PARIS, Goobjoog – Kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain (PSG) ayaa ku guuleysatay koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League, ka dib markii ay rigoorayaal 4-3 ah ku reebtay kooxda Arsenal ee ka tirsan horyaalka Premier League.
Ciyaartan dhexmartay labada kooxood oo ahayd mid aad u adag isla markaana xiiso badneyd, ayaa waxay PSG ku guuleysatay inay difaacato koobka weyn ee qaaradda Yurub.
Guushan ayaa ka dhigaysa kooxda reer France inay labo sano oo xiriir ah noqoto horyaalka rasmiga ah ee Yurub, ka dib markii ay kaga adkaatay kooxda reer London ciyaartii ugu dambeysay ee Final-ka.
Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar farsamo iyo weerar ku dhisneyd, balse markii ay saacadihii loogu talagalay ciyaarta ay dhammaadeen iyadoo aan waxba la iska badalin, ayaa loo dhigay rigoorayaal, taasi oo guushu ku raacday kooxda PSG oo sidaas ku qaadday koobka.
Guushan taariikhiga ah ayaa farxad weyn u ah taageerayaasha kooxda Paris Saint-Germain, halka ay dhabar-jab iyo niyad-jab ku tahay kooxda Arsenal iyo taageerayaasheeda oo muddo dheer rajeynayay inay hantaan koobkan.