U bood dhigaalka

Iiraan oo ku dhowaqday in dhammaan maraakiibta maraysa marin-biyoodka Hormuz ay waajib ku tahay inay oggolaansho weydiistaan

Maajo 31, 2026

Taliska ciidanka ilaalada kacaanka dalka Iiraan, gaar ahaan xarunta dhexe ee “Khatam al-Anbiya”, ayaa ku dhawaaqay go’aan cusub oo saameyn weyn ku yeelanaya isku-socodka maraakiibta caalamiga ah, kaasi oo dhigaya in dhammaan maraakiibta doonaya inay ka gudbaan ama ka soo baxaan marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz ay ku qasban yihiin inay helaan oggolaansho iyo diiwaangalin rasmi ah oo ka timid dhanka Iiraan.

Sida uu baahiyay telefishanka rasmiga ah ee dalka Iiraan, go’aankan ayaa qeyb ka ah qorshe cusub oo ay Iiraan si buuxda ugu maamulayso amniga, hagidda marinnada badda, iyo la tacaalida waxyeellooyinka deegaanka ee ka dhasha maraakiibta.

Sidoo kale, xeerkan cusub wuxuu awood u siinayaa ciidamada badda ee Iiraan inay baaritaanno ku sameeyaan maraakiibta shakiga laga muujiyo, iyadoo laga mamnuuci doono marinkaas wixii maraakiib ah oo ay Iiraan u aragto inay khatar ku yihiin amnigeeda ama ay wadaan dalal cadow ah.

Dhinaca kale, wararku waxay sheegayaan in go’aankan uu qeyb ka yahay is-faham ballaaran oo dhigaya in Iiraan loo oggolaado maamulka marin-biyoodkan, iyadoo beddelkeeda loo siidayn doono hanti gaaraysa 12 bilyan oo doollar oo horey looga xayiray dalkaasi, marka ay dhammaato muddo 60 casho ah.

Taliska ciidanka Iiraan ayaa xaqiijiyay inay horay u celiyeen dhowr markab oo isku dayay inay si sharci-darra ah u maraan halkan iyagoon is-diiwaangalin, halka ay u oggolaadeen ku dhowaad 20 markab oo kale oo u hoggaansamay shuruucda cusub ka dib markii ay dhammaystireen habraaca codsiga oo idil.

Goobtan oo ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee loo mariyo shidaalka caalamka ayaa la filayaa in go’aankan cusub uu sare u qaado xiisadda ka taagan marin-biyoodyada caalamiga ah.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli madaxweyne Trump uu dhowaan ku dhawaaqay in Mareykanku uu qaaday xayiraaddii saarnayd dekedaha Iiraan, asagoo Tehran ka dalbaday inay si shuruud la’aan ah u furto marin-biyoodka Hormuz, balse tallaabadan ay Iiraan qaaday baa u muuqanaysa mid xaaladda uga sii daraysa.