Soomaaliya waxay gashay marxalad siyaasadeed oo adag, xilli ay sii xoogeysanayaan murannada ka dhashay muddo xileedka dowladda Federaalka oo dhammaaday iyo nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta.
Marxaladdan kala guurka ah ayaa timid xilli muddooyinkii dambe ay jireen khilaafaad siyaasadeed oo soo noqnoqday, ayadoo xaaladda hadda jirta ay u muuqato mid ka duwan kuwii hore, maadaama ay dhinacyadu si weyn ugu kala aragti duwan yihiin jihada siyaasadeed ee dalku aadayo.
Muddo xileedkii rasmiga ahaa ee afarta sano ee dowladda Federaalka ayaa dhammaaday, hase yeeshee xukuumaddu waxay ku dooday in wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka uu siinayo hal sano oo dheeraad ah.
Dowladda ayaa ku andacoonaysa in muddadaasi sharci tahay islamarkaana ay lagama maarmaan u tahay sidii loo dhammaystiri lahaa qorshayaasha siyaasadeed iyo amni ee socda, gaar ahaan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo muddo dheer la hadal hayay.
Dhanka kale, hoggaamiyaasha mucaaradka ayaa si adag uga horyimid arrintaasi, iyagoo ku tilmaamay muddo kororsi aan heshiis lagu ahayn, waxayna ku doodayaan in wax ka beddelka dastuurka aanu ku imaan hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana aan la isku waafaqsanayn sharciyaddiisa.
Mucaaradku waxay aaminsan yihiin in dowladda ay isku dayayso inay sii haysato awoodda siyaasadeed iyadoo aan la helin heshiis qaran oo mideeya dhinacyada siyaasadda dalka.
Khilaafka ayaa sii xoogeystay kadib markii uu fashilmay wada-hadal ay dhexdhexaadinaysay safaaradda Maraykanka, kaas oo la doonayay in lagu helo is afgarad ku saabsan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo nooca doorasho ee waqtigan la qaban karo.
Wada-hadalladaasi ayaa la filayay inay noqdaan fursad lagu qaboojiyo xiisadda, balse wararka laga helayo dhinacyada ku lugta lahaa waxay sheegayaan in aan lagu guuleysan in la isku soo dhoweeyo aragtiyaha iska soo horjeeda.
Dowladda Federaalka waxay weli ku adkaysanaysaa qabashada doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ku doodaysa in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay si toos ah u doortaan hoggaankooda.
Dowladda ayaa sheegaysa in nidaamkaasi uu yahay waddada keliya ee lagu gaari karo dowladnimo buuxda iyo dimuqraadiyad dhab ah, islamarkaana laga gudbi karo nidaamka awood qaybsiga ku dhisan ee muddada dheer dalka ka jiray.
Hase yeeshee mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa qaba in waqtigan aysan suurta gal ahayn hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, waxayna tilmaamayaan caqabado amni, farsamo iyo siyaasadeed ay wali taaganyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin amniga deegaannada qaar, diiwaangelinta iyo tira-koobka dadweynaha, awoodda hay’adaha doorashooyinka iyo kalsooni darrada siyaasadeed ee jirta.
Sidaas darteed waxay ku baaqayaan in marka hore laga heshiiyo habraaca doorashada iyo hannaanka loo marayo, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.
Xiisadda siyaasadeed ee hadda taagan ayaa sidoo kale iftiimisay isbeddel weyn oo ku yimid kaalinta beesha caalamka ee Soomaaliya.
Muddooyinkii hore marka ay xaaladuhu meel adag gaaraan, waxaa si xooggan u soo faragelin jiray saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo door muuqda ka qaadan jiray heshiisiinta dhinacyada isku haya siyaasadda.
Marar badan, xalalka kama dambaysta ah ee laga gaaray murannadii siyaasadeed waxaa qayb weyn ku lahaa cadaadis iyo dhexdhexaadin ay sameeyeen quwadaha caalamku.
Laakiin xaaladda maanta waxay u muuqataa mid ka duwan sanadihii hore, Inkastoo beesha caalamku weli si diblomaasiyadeed iyo militari ahaanba ugu sugan tahay Soomaaliya, haddana saamayntooda gudaha dalka ayaa u muuqata mid sii yaraanaysa.
Diblomaasiyiinta shisheeye waxay inta badan ku ekaadeen baaqyo ay ku dalbanayaan wada-hadal iyo in la dejiyo xaaladda, balse awooddii ay hore ugu lahaayeen inay dhinacyada ku qasbaan heshiis ayaa u muuqata mid daciiftay.
Arrintan waxaa qayb ka ah isbeddellada caalamiga ah iyo xoogaysiga dawladda Soomaaliya, Sidoo kalena siyaasiyiinta Soomaalida laftooda ayaa hadda u muuqda kuwo aan sidii hore ugu dheg nuglayn talooyinka iyo cadaadiska dibadda uga imanaya, taasoo sii adkaynaysa in xal degdeg ah la gaaro.
Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in haddii aan si dhaqso leh loo helin is afgarad siyaasadeed, ay suurta gal tahay in dalka uu wajaho xasillooni darro siyaasadeed iyo kala qaybsanaan sii xoogeysata.
Waxay ka digayaan in muranka doorashooyinka uu saameyn ku yeesho amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo guud ahaan dowladnimada dalka oo wali jilicsan.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi ah in khilaafka siyaasadeed uu hakad geliyo dadaallada dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarka dhaqaale ee si tartiib tartiib ah u socday sanadihii la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee beesha caalamka ayaa haatan u muuqata inay miiska u saarnayn go’aamo iyo tallaabooyin dhinacyada ku qasbi kara inay heshiis ka gaaraan khilaafka doorashada, waxayna saamayntooda ku buuqataa mid aan xilligan dhaafsiisnayn dhexdhexaadin iyo baaqyo aan sidii hore loogu dhega nuglayn.