U bood dhigaalka

Ganacsi Laguma Qarin Karo Qaranimo La Dhaawacay

Juun 1, 2026

Waxaa toddobaadkan si weyn loo hadal hayay ka qeybgalka Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, shirkii Avocado Africa 2026 ee ka dhacay Nairobi.

Muranka arrintan ka dhashay ma ahan mid ku saabsan shir beeraha ama ganacsiga la xiriira, balse wuxuu salka ku hayaa sawirro iyo muuqaallo muujinaya safiirka oo la kulmaya islamarkaana sawirro la galaya Safiirka Israa’iil xilli xiriirka Soomaaliya iyo Israa’iil uu marayo heerkii ugu xumaa ee taariikhda dhow.

Soomaaliya waxay muddooyinkii u dambeeyay si cad uga hortimid tallaabooyinka Israa’iil ee ku aaddan Somaliland.

Dowladda Federaalka ayaa ku tilmaantay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland mid xadgudub ku ah madax-bannaanida, wadajirka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa marar badan ku celceliyay in qaranimada Soomaaliya aysan ahayn wax laga gorgortami karo.

Haddaba iyadoo xaaladdaasi taagan tahay, waxaa shacabka Soomaaliyeed la tusayaa sawirro muujinaya Safiirka Soomaaliya oo si rasmi ah uga qeybgalaya shir ay sidoo kale joogaan mas’uuliyiin Israa’iili ah, isla markaana sawirro wada galaya. Halkaas ayay dooddu ka bilaabatay.

Safiirka ayaa difaacday ka qeybgalkaas isaga oo sheegay inuu halkaasi u tagay inuu dunida u iibiyo ajandaha dhaqaale ee Soomaaliya, islamarkaana uu soo bandhigo fursadaha maalgashi ee dalka.

Wuxuu sheegay in Kenya ahayd dalka martida loo ahaa, ayna xaq u lahayd inay casuunto cid kasta oo ay u aragto inay muhiim tahay.

Laakiin dooddaasi ma qancin shacabka badan. Su’aasha ay isweydiinayaan ma ahan sababta uu shirka u tagay, balse waa sababta uu ugu muuqday goob iyo sawirro dhalinaya fariin ka hor imanaysa mowqifka rasmiga ah ee Soomaaliya.

Diblomaasiyadda dunida maanta laguma qiimeeyo oo keliya hadallada la jeediyo. Waxaa sidoo kale lagu qiimeeyaa meelaha lagu arko mas’uulka, dadka uu la muuqdo iyo sawirrada laga qaado.

Mararka qaar sawir keliya ayaa burburin kara dadaal siyaasadeed oo bilo ama sannado socday.

Marka dowladdu maalin kasta ku celcelinayso in Israa’iil ku xadgudubtay madax-bannaanida Soomaaliya, haddana safiirkeedu uu la sawirmayo wakiillada isla dowladdaas, waxaa soo baxaya isburin siyaasadeed oo aan sahlanayn in la sharxo.

Qof kasta oo daawanaya sawirradaasi wuxuu isweydiinayaa: haddii Israa’iil dhab ahaan loo arko cadow ku xadgudbay qaranimada Soomaaliya, maxaa keenay in aan la muujin taxaddar diblomaasiyadeed?

Waxaa arrinta sii murjiyay difaaca degdegga ah ee dowladda. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Dhaay oo sheegay in safiirku u tegay shirka isaga oo gudanaya waajibaadkiisa rasmiga ah isla markaana aysan jirin wax khalad ah oo uu sameeyay. Wuxuu ku adkaystay in shirku ahaa mid ganacsi iyo beeraha ku saabsan, uuna ka duwanaa arrimaha siyaasadda.

Si kastaba ha ahaatee, dadka dhaliilaya safiirka waxay qabaan in dhibaatadu aysan ku jirin nooca shirka, balse ay ku jirto fariinta ka dhalatay. Waxay ku doodayaan in safiirku uusan matalin naftiisa, balse uu matalayay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed, tallaabo kasta oo uu qaado waxay ka tarjumaysaa mowqifka dowladda uu wakiilka ka yahay.

Qaranimada Soomaaliya laguma difaaco oo keliya khudbadaha laga jeediyo Muqdisho ama war-saxaafadeedyada kasoo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waxaa sidoo kale lagu difaacaa goobaha ay mas’uuliyiintu tagaan, dadka ay la kulmaan iyo sawirrada ay dunida la wadaagaan. Haddii hadalka iyo ficilku is waafaqi waayaan, kalsoonida shacabka ayaa dhaawacmaysa.