U bood dhigaalka

Kuwait oo Hawlgelisay nadaamkeeda Difaaca Cirka Kadib Weerar ay kala kulantay Iiraan

Juun 1, 2026

Dowladda Kuwait ayaa hawlgelisay nidaamyadeeda difaaca cirka kadib weerar gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday, kaas oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait ku tilmaantay weerar fool xun oo Iiraan ay geysatay.

Wararka ayaa sheegaya in dhawaq digniin ah laga maqlay qaybo ka mid ah dalka, iyadoo ciidamada difaaca cirku uu ku guuleysteen inay qabtaan oo burburiyaan gantaallo iyo drones lagu soo weeraray gudaha Kuwait.

Dhanka kale, Iiraan ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay saldhig ay ciidamada Mareykanka isticmaalaan, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay jawaab ay kaga aargudaneyso duqeymo ay sheegtay in laga fuliyay saldhiggaas oo lagu weeraray goobo ku yaalla gudaha Iiraan.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in weerarku uu daba socday duqeymo Mareykanku ku qaaday xarumo isgaarsiineed iyo difaac oo ku yaalla koonfurta dalka Iiraan.

Mareykanka ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu maalmahan dambe duqeymo ka fuliyay bartilmaameedyo militari oo Iiraan leedahay, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay jawaab u ahayd falal uu ku tilmaamay kuwo halis ku ahaa maraakiibta iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida dalka iyo khatar sii kordhin karta xiisadda gobolka.

Dowladda Kuwait ayaa sidoo kale sheegtay inay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah difaaca amniga iyo xasilloonida dalka.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Iran iyo Mareykanka ay mar kale cirka isku shareertay, inkastoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda gobolka iyo colaadaha ka taagan Gacanka.