U bood dhigaalka

Lix Carruur Ah Oo Lagu Waayay Xabsiyada Nidaamkii Asad Oo La Xaqiijiyay Geeridooda Kadib 13 Sano

Juun 1, 2026

Hay’adda Qaranka ee Dadka La Waayay ee Suuriya ayaa xaqiijisay geerida lix carruur ah oo sanadkii 2013 lagu waayay xabsiyada nidaamkii hore ee Bashaar Al-Asad, kadib baaritaanno dheer iyo falanqayn lagu sameeyay xog iyo caddeymo kala duwan.

Carruurtan oo kala ahaa Diimaa Cabdiraxmaan, Intisaar Cabdiraxmaan, Najaax Cabdiraxmaan, Alaa Cabdiraxmaan, Axmed Cabdiraxmaan, iyo Liyaan Cabdiraxmaan, ayaa la waayay kaddib markii ciidamada ammaanka ay xireen hooyadood, Dr. Raaniya Al-Cabbaasi, iyo aabahood Cabdiraxmaan Yaasiin, waxaana carruurta ku jirtay gabar yar oo la nuujinayay xilligii la qabtay.

Hay’addu waxay sheegtay inay heshay natiijooyin lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in carruurtaasi la dilay, iyadoo qoyska dhibbanayaasha loo gudbiyay xogta ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin.

Ehellada carruurta ayaa sheegay inay arkeen muuqaallo lagu helay baaritaannada, kuwaas oo ka caawiyay inay aqoonsadaan carruurta, isla markaana ay xaqiijiyaan xaqiiqada ee ku saabsan halka ay ku dambeeyeen murugada leh kadib sannado badan oo sugitaan iyo rajo isugu jiray.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan in carruurta ay dileen kooxo iyo maleeshiyaad xiriir la lahaa nidaamkii hore, iyadoo eedeymaha ugu waaweyn lagu hayo Amjad Yuusuf, oo hore loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa xasuuqyo ka dhacay dalkaasi.

Kiiskan ayaa dib u soo nooleeyay dhacdooyin xanuun badan oo ku saabsan kumannaan qof oo wali lagu la’yahay Suuriya tan iyo markii uu billowday dagaalka dalkaas sanadkii 2011.

Guddiga Caalamiga ah ee Dadka La Waayay ayaa qiyaasaya in in ka badan 130,000 qof ay wali maqan yihiin, halka ururrada xuquuqda aadanaha ay sheegayaan in tirada dadka lagu waayay si qasab ah ay ka badan tahay 177,000.

Baraha bulshada waxaa si weyn looga muujiyay murugo iyo caro arrintan ku saabsan, iyadoo dad badani ay ku baaqeen in caddaalad loo helo dhibbanayaasha, lalana xisaabtamo dhammaan dadkii ku lugta lahaa dambiyadii ka dhacay xabsiyadii nidaamkii hore ee Suuriya.