Waxaa maanta dalka Ethiopia ka dhacaysa doorashada 7-aad ee Golaha Shacabka, iyadoo in ka badan 54 milyan oo muwaadiniin ah la diiwaangeliyey si ay codadkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee dalka.
Doorashadan oo ah mid si weyn isha loogu hayo, ayaa ah tii ugu horreysay ee la qabto afar sano kadib dhammaadkii dagaalkii gobolka Tigray, ayadoo weli xaaladda ammaanku ay cakirantahay.
Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed iyo xisbigiisa talada haya ee Prosperity Party ayaa la filayaa inay guul weyn ka gaaraan doorashadan, iyadoo warbaahinta caalamka iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ay saadaalinayaan in mucaaradka kala qaybsan iyo xaaladaha amni ee ka jira gobollo badan ay adkeyn doonaan tartan dhab ah oo lagula galo xisbiga talada haya.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in malaayiin codbixiyeyaal ah ay iska diiwaangeliyeen doorashada, halka kumannaan goobood oo codbixin ah laga furay guud ahaan dalka.
Si kastaba, doorashadu kama dhaceyso qaybo ka mid ah gobollada Tigray iyo Amxaarada sababo la xiriira amni darro iyo colaado wali ka jira deegaannadaas.
Doorashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay weli wajahaysa caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni, inkastoo dowladda Abiy Axmed ay ku doodayso inay horumar ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, sugnaanta cuntada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka.