Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb galay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kuuriya iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya.
Shirkan ayaa isugu keenay wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday dalalka Afrika iyo Dowladda Kuuriya, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, horumarinta koboca waara, iyo dardargelinta iskaashi ku saabsan ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo iskaashiyada caalamiga ah.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa muujinaya dadaalka dowladda Federaalka ee lagu ballaarinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, si loo abuuro fursado horumarineed oo wax ku ool ah kana faa’iideysta shacabka Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa sidoo kale fursad u ah Soomaaliya inay kor u qaaddo doorkeeda gobolka iyo caalamka, isla markaana ay xoojiso iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta awoodaha tiknoolajiyadda.