U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in Geeska Afrika uu U Baahan Yahay Dib-u-Heshiisiin, Badelka Xuduudo Cusub

Juun 3, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale caddeysay mowqifkeeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland, iyadoo sheegtay in tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo maamulkaasi aysan horseedi doonin xasillooni waarta, balse ay sii xoojin karto kala qaybsanaanta Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Maqaal dheer oo uu qoray Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali balcad), ayaa ku sheegay in doodaha taageeraya aqoonsiga Soomaaliland ay ku dhisan yihiin mala-awaal aan si dhab ah uga tarjumin xaaladda ka jirta dhulka waqooyiga Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in fikradda ah in Soomaaliland ay tahay maamul mideysan oo si buuxda u maamula dhammaan dhulka ay sheegato aysan waafaqsanayn xaqiiqooyinka ka jira gudaha deegaannadaas.

Wuxuu xusay in dhulkii hore ee British Soomaaliland uu si rasmi ah u dhammaaday markii uu dhulkaasi si ikhtiyaari ah ula midoobay dhulkii Talyaaniga gumeysan jiray si loo dhiso Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadkii 1960-kii.

Qoraalka ayaa tilmaamay in gobollada Sool, Sanaag iyo qaybo ka mid ah Cayn ay si cad u diideen maamulka Hargeysa intii lagu jiray labadii sano ee la soo dhaafay.

Bulshooyinka deegaannadaas ayaa sameystay maamul u gaar ah oo la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo muujiyay in aysan taageersanayn gooni-u-goosadka Soomaaliland, balse ay doonayaan mustaqbalkooda inuu ku jiro Soomaaliya federaal ah.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in gobolka Awdal ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya kuwaas oo ka cabanaya sida awoodda siyaasadeed iyo dhaqaalaha loogu ururiyay Hargeysa.

Sida uu sheegay, arrimahani waxay muujinayaan in khariidadda siyaasadeed ee waqooyiga Soomaaliya aysan ahayn mid deggan ama si buuxda la  iskula oggol yahay.

Dhinaca kale, qoraalka ayaa ka hor yimid doodda sheegaysa in Soomaaliland ay tahay deegaan si buuxda u xasilloon, ayadoo Wasiirku uu sheegay in xasilloonida dhabta ahi aysan ku koobnayn jiritaanka hay’ado dowladeed ama qabashada doorashooyin, balse ay ku xiran tahay wadajir bulsho, sharciyad dhuleed iyo ka-qaybgal siyaasadeed oo loo siman yahay.

Wuxuu ku dooday in khilaafaadka siyaasadeed, murannada dhuleed, iyo isqabqabsiga qabiillada ee ka jira Soomaaliland aysan meesha ka bixi doonin haddii aqoonsi caalami ah la siiyo, balse taa beddelkeeda ay sii adkaan karaan.

Maqaalku wuxuu sidoo kale ka digay in arrinta Soomaaliland loo adeegsado tartanka juqraafiyeed ee ka socda Badda Cas,ayadoo dowladda Soomaaliya ay aaminsantahay in Geeska Afrika aan loo rogin goob ay quwadaha shisheeye ku loolamaan danahooda siyaasadeed iyo amni, iyadoo la adeegsanayo murannada gudaha ee gobolka.

Qoraalku wuxuu tilmaamay in isku dayga lagu sawirayo Soomaaliland inay tahay hanti istiraatiiji ah oo lagula tartamayo quwadaha sida Iiraan, Xuuthiyiinta ama Shiinaha uu iska indho tirayo xaqiiqda ah in heshiisyada amni ee waara aysan ku dhismi karin muran ku saabsan madax-bannaanida dhuleed.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in ku lug lahaanshaha dalal shisheeye, oo ay ku jirto Israa’iil, aysan horseedin wadajir siyaasadeed oo dheeraad ah, balse ay dhalisay walaac cusub oo la xiriira militariga, saameynta shisheeye iyo mustaqbalka maamulka gobolka.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabadaasi aysan saameyn ku yeelan doonin Soomaaliya oo keliya, balse ay saamayn ku yeelan karto guud ahaan Afrika.

Qoraalku wuxuu xusay in Midowga Afrika uu muddo dheer ku taagnaa mabda’a ilaalinta xuduudihii laga dhaxlay xilligii gumeysiga iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal. Sida ay dowladda Soomaaliya aaminsan tahay, ka leexashada mabda’aas iyadoo aan la helin is-afgarad goboleed oo ballaaran waxay dib u furi kartaa muranno xuduudeed oo dalal badan oo Afrika ah ay muddo dheer dadaal ugu jireen inay xakameeyaan.

Ugu dambeyn, wasiir Cali Balcad wuxuu sheegtay in xalka waara ee Soomaaliya uu ku jiro dib-u-heshiisiin, wada-hadal iyo dhammaystirka dastuurka, halkii uu ka ahaan lahaa kala qaybsanaan cusub.

Sida lagu soo gabagabeeyay maqaalka, nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika waxaa lagu gaari karaa xalal siyaasadeed oo loo dhan yahay kuwaas oo xoojiya wada shaqaynta, sharciyadda dowladeed iyo midnimada shacabka, halkii lagu gaari lahaa kala qaybsanaan iyo xuduudo cusub.