U bood dhigaalka

Kuwait oo Iiraan ku eedeysay weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha caasimadda dalkaas

Juun 3, 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa sheegtay in weerar subaxnimadii maanta lala beegsaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kuwait uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca dhowr kale, iyadoo sidoo kale la xaqiijiyay inay waxyeello soo gaartay xarumo muhiim ah iyo qaar ka mid ah xarumaha diblomaasiyadeed.

Bayaan ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in weerarka, oo lagu eedeeyay Iiraan, uu saameyn ku yeeshay kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka, isla markaana uu sababay burbur gaaray dhismayaal ku yaalla agagaarka garoonka iyo goobaha ay ku shaqeeyaan ergada diblomaasiyadeed ee dalalka shisheeye.

Mas’uuliyiinta Kuwait ayaa sheegay in hay’adaha amniga iyo gurmadka degdegga ah ay si dhaqso leh uga jawaabeen dhacdada, iyagoo qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka garoonka iyo goobaha muhiimka ah ee dalka.

Dowladda Kuwait ayaan weli shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca weerarka iyo khasaaraha guud ee ka dhashay, balse waxay xustay in baaritaanno socdaan si loo ogaado dhammaan duruufaha la xiriira dhacdadan.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xiisado amni iyo kuwo militari oo isa soo taraya, kuwaas oo walaac ku abuuray dalal badan oo gobolka ku yaalla.