Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa dowladda ku amartay inay si rasmi ah u shaaciso faahfaahinta mashruuc muran badan dhaliyay oo lagu dhisayo xarun karantiil iyo daaweyn Ebola ah, taas oo la sheegay inay taageerayso dowladda Mareykanka.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid maalin kadib markii dibadbaxyo ka dhacay magaalada Nanyuki ay sababeen dhimashada laba qof, kuwaas oo la sheegay inay ku dhinteen isku dhacyo la xiriiray diidmada mashruucan.
Maxkamaddu waxay sidoo kale kordhisay amar ku meel gaar ah oo lagu joojiyay dhismaha xarun kasta oo karantiil, go’doomin ama daaweyn Ebola ah gudaha Kenya, iyadoo mamnuucday in dalka la keeno dad la tuhunsan yahay inay la kulmeen fayraska ilaa dacwadda laga dhageysanayo.
Sida ku cad amarka maxkamadda, Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Ducaale, ayaa lagu amray inuu shacabka u soo bandhigo dhammaan dukumentiyada la xiriira mashruucan, oo ay ku jiraan heshiiska aasaaska u ah xarunta, qiimeynta caafimaadka iyo badqabka noolaha, oggolaanshaha sharciyeed iyo habraacyada shaqo.
Dacwaddan waxaa gudbisay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Katiba Institute, taas oo ku doodaysa in dowladda aysan si ku filan ula tashan shacabka isla markaana aysan soo bandhigin xog muhiim ah oo ku saabsan xarunta la qorsheeyay.
Xaruntan oo qaadi karta 50 bukaan ayaa la qorsheeyay in laga dhiso saldhigga ciidamada cirka ee gobolka Laikipia. Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in xaruntu inta badan loogu talagalay muwaadiniinta Mareykanka ee laga yaabo inay la kulmeen Ebola balse aan weli muujin calaamadaha cudurka.
Mashruucan ayaa dood xooggan ka dhaliyay Kenya, iyadoo dadka dhaliilsan ay su’aal ka keenayaan awoodda nidaamka caafimaadka dalka ee maaraynta khataraha la xiriira Ebola. Dad badan ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay hufnaan la’aanta ku hareeraysan heshiiska mashruuca.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Kenya ayaa sii wadday taageerada qorshahan. Madaxweyne William Ruto ayaa difaacay mashruuca isagoo sheegay in xaruntu qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga dalka ee ka hortagga cudurrada faafa.
Ruto ayaa sheegay in xarunta lagu dari doono kaabayaasha caafimaadka ee dalka isla markaana ay faa’iido u yeelan doonto shacabka Kenya iyo saaxiibbada caalamiga ah haddii loo baahdo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay inuu ansixiyay mashruuca kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo xusay iskaashiga dheer ee labada dal ee dhinacyada caafimaadka, gaar ahaan la dagaallanka HIV/AIDS, Ebola iyo COVID-19.
Muran-kan ayaa kusoo beegmaya xilli Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay la tacaalayaan faafitaanka nooc dhif ah oo Ebola ah oo loo yaqaan Bundibugyo strain, kaas oo sababay dhimasho badan isla markaana sare u qaaday feejignaanta dalalka Bariga Afrika.
Khubarada caafimaadka ayaa ku baaqay in dowladda Kenya ay muujiso hufnaan dheeraad ah si loo helo kalsoonida shacabka, maadaama taageerada bulshada ay muhiim u tahay hirgelinta tallaabooyinka looga hortagayo cudurrada faafa.