Arrinta la xiriirta ka reebidda garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulkadir Cartan ee tartanka Koobka Adduunka 2026 ayaa noqotay mid si weyn loogu hadal hayo warbaahinta caalamka, kaddib markii la xaqiijiyey inuusan ka qayb geli doonin tartanka lagu qabanayo Mareykanka, Kanada iyo Mexico.
Warbaahinta ugu waaweyn dunida, gaar ahaan kuwa, Mareykanka,Carabta iyo Afrika, ayaa si qoto dheer u falanqeynaya saameynta go’aankan, iyadoo la tilmaamay in Cumar Cartan uu qarka u saarnaa inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ka dhex muuqda Koobka Adduunka.
Telefishinka caanka ah ee Al Jazeera ayaa baahiyey warbixin sheegaysa in maamulka Mareykanka uu u diiday garsooraha Soomaaliyeed gelitaanka dalkiisa si uu uga qayb qaato maamulka ciyaaraha Koobka Adduunka 2026.
Dhanka kale, Lataliyaha Sare ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Siciid Aadan Abshir, ayaa si adag u cambaareeyey tallaabadan, isagoo ku tilmaamay mid dhaawacaysa qiyamka caddaaladda iyo sinnaanta ee kubadda cagta caalamka.
Siciid Aadan Abshir ayaa sheegay in Cumar Cartan uu ka mid yahay garsoorayaasha ugu sumcadda badan qaaradda Afrika, islamarkaana ka hor istaagista fursaddan taariikhiga ah aysan saameyn ku yeelanayn oo keliya isaga shaqsi ahaan, balse ay dhaawacayso rajada iyo hamiga ciyaartooyda iyo saraakiisha Soomaaliyeed ee doonaya inay gaaraan heerarka ugu sarreeya ee isboortiga caalamka.
Arrintan ayaa dhalisay dood ballaaran oo ka dhex socota warbaahinta baraha bulshada, taageerayaasha kubadda cagta iyo bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo su’aal gelinaya sababaha dhabta ah ee ka dambeeya go’aanka lagu joojiyey ka qaybgalka garsooraha Soomaaliyeed ee tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka, inkastoo arrintu ay la xariirtu u safridda Mareykanka oo Muwaadiniinta dalalka qaar oo Soomaaliya ku jirto laga mamnuucay.
Si kastaba ha ahaatee garsoorahan Soomaaliyeed ee heerka caalami ah, ayaa seegi doona ka qeyb-galka Koobka Adduunka 2026 kaddib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka, ayadoo arrintani ay qalbi jab ku noqatay qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed.