U bood dhigaalka

Falcelinta Caalamiga ah iyo Taageerada Garsoore Cumar Cartan oo Sii Kordheya

Juun 10, 2026

Taageerada loo muujinayo garsooraha Soomaaliyeed ee FIFA, Cumar Cabdulkadir Cartan, ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo siyaasiyiin iyo masuuliyiin sare oo kala ah Mareykan, kanadiyaan, Jabuuti iyo dalal kale ay si cad uga hadleen arrinta la xiriirta maqnaanshihiisa Koobka Adduunka 2026.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Ontario, Marit Stiles, ayaa sheegtay inay taageersan tahay in Cumar Cartan lagu soo dhaweeyo Toronto oo dalka kanada ah, iyadoo xustay inuu si buuxda ugu qalmo inuu ka garsooro ciyaaraha caalamiga ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha gobolka British Columbia, David Eby, ayaa sheegay in Cartan lagu soo dhaweyn lahaa laguna maamuusi lahaa Vancouver, isagoo tilmaamay dadaalka iyo guulaha uu ka gaaray xirfaddiisa.

Dhanka kale, xogaha lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in Hillary Clinton ay iyaduna ka hadashay arrinta Cumar Cartan, iyadoo ku tilmaantay tusaale muujinaya sida hibada iyo shaqada adag ay uga gudbaan caqabadaha, inkastoo aan weli si rasmi ah loo faahfaahin dhammaan hadallada la xiriira mowqifkeeda.

Waxaa sidoo kale garab istaag muujiyay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyas Moussa Dawaleh, oo ku ammaanay Cumar Cartan kaalinta uu ku leeyahay horumarinta magaca Geeska Afrika ee garsoorka kubadda cagta, isagoo sheegay in guulihiisu ay dhiirrigelin u yihiin dhalinyarada gobolka.

Sidoo kale waxaa garsoore Cartan taageeray ururro caalami ah, dalal, shakhsiyaad saamayn leh oo caalami ah, iyo warbaahinno waaweyn, ayadoo dhinaca Soomaalida arrintani ay noqatay mowduuc mideeyay falcelinta bulshada iyo hoggaanka dhammaan deegaannada Soomaalida.

Arrinta Cumar Cartan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo warbaahinta iyo baraha bulshada, iyadoo taageero badan ay ka imaaneyso siyaasiyiin, bahda kubadda cagta iyo taageerayaal caalami ah.

Dad badan ayaa ku tilmaamaya Cartan inuu yahay astaan Soomaaliyeed oo ku guuleysatay inay gaarto heerarka ugu sarreeya ee garsoorka kubadda cagta dunida.

Taageeradan sii kordheysa ayaa muujinaysa saameynta uu Cumar Cartan ku yeeshay bulshada kubadda cagta ee caalamka iyo sida loogu tixgeliyo garsoore karti iyo sumcad ku kasbaday shaqadiisa.