U bood dhigaalka

Garsoore Cumar Cabdulkaadir Cartan oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho

Juun 10, 2026

Muqdisho, 10 Juun 2026 Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulkaadir Cartan, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho kadib markii uu dib ugu soo laabtay dalka.

Boqolaal qof oo isugu jiray taageerayaal, madax sare, bahda ciyaaraha, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa isugu soo baxay garoonka diyaaradaha iyo waddooyinka magaalada si ay u muujiyaan taageeradooda iyo garab istaaggooda ay u hayaan garsooraha.

Cumar Cartan ayaa lagu waday inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeyb gala Koobka Adduunka 2026, taasoo noqon lahayd guul taariikhi ah oo u soo hoyata Soomaaliya iyo guud ahaan bahda garsoorka kubadda cagta ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, rajadaas ayaa meesha ka baxday kadib markii loo diiday gelitaanka dalka Maraykanka, arrintaas oo sababtay in laga saaro liiska garsoorayaasha loo qorsheeyay inay ka qeyb qaataan tartanka Koobka Adduunka 2026.

Soo dhaweynta maanta loogu sameeyay Muqdisho ayaa muujisay sida shacabka Soomaaliyeed ay u qiimeynayaan dadaalka iyo guulaha uu gaaray Cumar Cartan, kaas oo sannado badan ka soo shaqeynayay garsoorka heerarka kala duwan ee kubadda cagta Afrika iyo caalamka.

Dadkii ka qeyb galay soo dhaweynta ayaa ku tilmaamay Cartan astaan qaran iyo shaqsi sumcad wanaagsan ku matalay Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, iyagoo xusay in dhacdadii uu la kulmay aysan waxba u dhimayn guulihii iyo taariikhda uu ka sameeyay garsoorka kubadda cagta.