Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegatay inay qaadeen weerarro lagu bartilmaameedsaday saldhigyo militari oo ku yaalla dalalka Jordan iyo Kuwait, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay xiriir la leeyihiin ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Sida ay sheegtay Iiraan, weerarka koowaad ayaa lagu qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Al-Azraq ee dalka Jordan, halkaas oo Tehran ay sheegtay inay ku burburisay afar bartilmaameed, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal oo nooca F-35 ah.
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu fuliyay gantaallo, inkastoo aan weli jirin xaqiijin madax-bannaan oo taageeraysa sheegashadaas.
Dhanka kale, Iiraan ayaa sidoo kale sheegatay inay weerar diyaarado drones ah ku qaaday saldhigga Al-Salem ee dalka Kuwait, ayadoo warbaahinta dowladda Iiraan ay sheegtay in weerarkaas uu ahaa jawaab ay ka bixisay waxa ay ugu yeertay “gardarrada Mareykanka”, iyadoo bartilmaameedku ahaa xarumo militari oo ku dhex yaalla saldhigga.
Ilaa hadda, dowladaha Jordan, Kuwait iyo Mareykanka kama aysan soo saarin war rasmi ah oo xaqiijinaya weerarrada ay Iiraan sheegatay ama faahfaahin ka bixinaya khasaaraha ka dhashay.
Weerarradan la sheegay ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay sare u kacday, iyadoo ay socdaan hadallo kulul iyo dhaqdhaqaaqyo militari oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa ugu baaqay ciidamada shisheeye ee ku sugan agagaarka xuduudaha Iiraan inay ka baxaan gobolka, isagoo sheegay inay wajahayaan khatar joogto ah oo ka dhalan karta khaladaad, shilal ama inay ku dhex dhacaan iska horimaadyo militari.