Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto rasmi ah oo lagu cayimayo xilliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wareegtadan oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa lagu mudeeyay in doorashadu ay dhici doonto 05 July, 2026.
Qodobada Muhiimka ah ee Wareegtada:
Ujeeddada: Astayn Maalinta Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka G/Banaadir.
Xilliga Doorashada: Waxaa loo asteeyay maalin Axad ah oo ku beegan 05 July 2026.
Sababta: Si ay u gutaan waajibaadka loo doortay, loona helo maamul dhameystiran, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo diyaargarowga Ururada Siyaasadda iyo xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee la doortay doorashadii dhacday 25 December 2025.