Kaaliyaha Taliyaha Xarunta Khatam al-Anbiya ee dalka Iiraan ayaa sheegay in weerarkii ay Israa’iil ku qaadday xaafadda koonfureed ee magaalada Beyruut uusan ahaan doonin mid jawaab la’aan ku dhammaada.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku adkeeyay in weerarkaasi uu sii kordhinayo xiisadda ka taagan gobolka, isla markaana ay jiri doonto jawaab ku habboon oo lagaga falceliyo tallaabada Israa’iil.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Lubnaan ayaa ka digay in weerarrada soo noqnoqday ay khatar ku yihiin dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda gobolka.
Wuxuu sheegay in ay adkaan karto sii wadidda wadahadallada siyaasadeed haddii weerarrada militari ay sii socdaan.
Hadkan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo kooxaha ay taageerto Iiraan ee gobolka, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaalladu ku fidaan dalal kale oo Bariga Dhexe ah.