U bood dhigaalka

Trump: Heshiiska Iiraan maanta ayaa la saxiixayaa

Juun 14, 2026

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiska bariga Dhexe ee u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil iyo Iiraan la saxiixo maanta oo Axad, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo xiisadaha gobolka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz uu dib ugu furmi doono maraakiibta caalamiga ah marka heshiiska la dhaqan geliyo.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Iran ayaa muujisay taxadar, iyadoo afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran uu sheegay in aan weli la xaqiijin waqtiga rasmiga ah ee saxiixa heshiiska.

Dhanka kale Iiraan ayaa sheegtay in wada-hadalladu weli socdaan isla markaana faahfaahinta qaarkood aan la dhammeystirin.

Wararka laga helayo dhexdhexaadiyeyaasha ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis hordhac ah, kaas oo ay ku jiraan dib u furista marin-biyoodka Hormuz, yareynta xiisadaha militari, iyo bilaabista wada-hadallo cusub oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Saraakiisha Iiraan ayaa ka digay in aan la degdegin gunaanadka, iyagoo sheegay in heshiiska kama dambaysta ahi uu weli u baahan yahay oggolaansho iyo dhammaystir farsamo.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan yihiin in haddii heshiiska la saxiixo, uu noqon karo tallaabadii ugu weynayd ee lagu dejinayo xiisadda gobolka tan iyo markii ay colaadaha xoogaysteen horraantii sanadkan.