U bood dhigaalka

Hindiya oo Si KMG ah u Xannibtay Telegram Kadib Fadeexad La Xiriirta Imtixaanka ardayda Caafimaadka

Juun 17, 2026

Dowladda Hindiya ayaa si ku-meel-gaar ah u xannibtay adeegga fariimaha ee Telegram, kadib markii lagu eedeeyay in madashan in loo adeegsaday khiyaano iyo musuqmaasuq la xiriira imtixaanka qaran ee gelitaanka kulliyadaha caafimaadka (NEET).

Wasaaradda Waxbarashada Hindiya ayaa sheegtay in tallaabadan oo socon doonta ilaa 22-ka Juun ay timid kadib markii la ogaaday in kooxo abaabulan ay Telegram u adeegsanayeen inay ardayda ka iibiyaan su’aalaha imtixaanka dib-u-galka ah ee la qorsheeyay 21-ka Juun.

Go’aankan ayaa noqonaya mid aan horay uga dhicin Hindiya, iyadoo dowladda ay sheegtay in uu yahay tallaabo degdeg ah oo lagu ilaalinayo hufnaanta imtixaannada qaranka.

Bishii hore, dowladda Hindiya ayaa baajisay natiijooyinkii imtixaanka NEET kadib markii ay soo baxeen eedeymo sheegaya in su’aalaha imtixaanka la sii daayay ka hor waqtigoodii, ayadoo arrintani ay saameysay in ka badan 2.3 milyan oo arday, waxaana ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay qaybo kala duwan oo dalka ah.

Aasaasaha Telegram, Pavel Durov, ayaa dhaleeceeyay xayiraadda, isagoo sheegay in tallaabadan ay ciqaabayso in ka badan 150 milyan oo isticmaale oo sharci ah oo ku nool Hindiya, halkii laga beegsan lahaa dadka ku lugta leh daadinta su’aalaha imtixaanka.

“Xayiraaddu ma joojin dhibaatada, balse waxay ku qasabtay kooxihii ku lugta lahaa inay u wareegaan barnaamijyo kale,” ayuu Durov ku qoray bartiisa X.

Dhanka kale, ururka u dooda xorriyadda internetka ee Internet Freedom Foundation ayaa sheegay in xannibaadda Telegram aysan xal waara u ahayn musuqmaasuqa imtixaannada, isla markaana ay dhaawacayso xorriyadda hadalka iyo helitaanka xogta.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay inay ka xun tahay dhibaatada ka dhalatay tallaabadan, balse ay ahayd ikhtiyaarkii ugu dambeeyay kadib markii dadaalladii hore ee lagu doonayay in laga saaro waxyaabaha sharci darrada ah ee Telegram lagu baahinayay ay fashilmeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shirkadaha Google iyo Apple lagu amray inay si ku-meel-gaar ah uga saaraan Telegram dukaamadooda barnaamijyada ee gudaha Hindiya, si loo dhaqan-geliyo go’aanka dowladda.

Xannibaaddan ayaa sii hurisay doodaha ku saabsan isku dheelitirka u dhexeeya ilaalinta amniga iyo hufnaanta nidaamyada waxbarashada, iyo ilaalinta xorriyadda isticmaalayaasha internetka.