Qaraxyo iyo rasaas culus oo socotay in ka badan hal saac ayaa aroornimadii Khamiista laga maqlay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Niamey, caasimadda dalka Niger, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhawaqa qaraxyada iyo rasaasta uu si weyn uga dhacay deegaanka ku hareeraysan garoonka, iyadoo ciidamada ammaanka ay si degdeg ah u xireen waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa aaggaas.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Niger oo faahfaahinaya sababta dhacdadan ama khasaaraha ka dhashay.
Garoonka diyaaradaha ee Niamey ayaa ah xarun muhiim u ah isu socodka gudaha iyo dibadda dalka, waxaana dhacdadan ay walaac ka dhalisay xaaladda amni ee caasimadda.