Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa baaq adag u diray xubnaha sida weyn u dhaleeceeya maamulka Israa’iil dhexdeeda, isagoo uga digay inay wiiqaan xiriirka kala dhaxeeya xulafadooda ugu weyn ee reer Galbeedka.
Sida ay daabaceen warbaahinta caalamku, Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka ayaa si toos ah u yiri: “ha weerarina ‘saaxiibka kaliya ee awoodda leh’ ee idiin haray.”
Digniintan adag ee uu soo saaray JD Vance ayaa imaanaysa xilli uu qorsheynayay inuu u safro dalka Swisarland, halkaas oo uu kaga qeyb geli lahaa munaasabad rasmi ah oo lagu kala saxiixanayo heshiis weyn oo dhexmaray dowladaha Mareykanka iyo Iiraan.
Heshiiskan labada dhinac, oo is dhexgal weyn oo dhanka diblomaasiyadda ah horseedi lahaa, ayaa la sheegay in qayb ka mid ah madaxda iyo dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda ee Israa’iil ay si weyn u naqdideen.
Hase yeeshee, safarkii rasmiga ahaa ee Vance uu ku tegi lahaa dalka Swisarland si loo dhameystiro saxiixa heshiiskaas ayaa dib u dhac ku yimid, kadib markii ay cirka isku shareertay xaaladda amni ee gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan weerarradii dhowaan galka ahaa ee ay Israa’iil ku qaadday dalka Lubnaan.
Aqalka Cad ee Mareykanka oo ka hadlay arrintan ayaa qiray in abaabulka iyo tafaasiisha heshiiskan iyo kulanka baaqday ay ahaayeen kuwo adag oo aan la sii saadaalin karin, balse hadalka Vance ayaa muujinaya culayska siyaasadeed iyo kan diblomaasiyadeed ee ka dhashay heshiiska ay Washington la galayso Tehran, kaas oo durba abuura qaybsanaan saameyn ku yeelatay xulafada Mareykanka ee gobolka.