Wada-haddalladii qorsheysnaa ee u dhaxeeyay dowladaha Mareykanka iyo Iiraan ee lagu qaban lahaa dalka Swisarland, kuwaas oo looga hadli lahaa tafaasiisha farsamo ee heshiiska xabbad-joojinta, ayaa si lama filaan ah u curyaamay ka dib markii dib loo dhigay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Swisarland ayaa xaqiijisay in wada-haddalladii lagu qaban lahaa deegaanka Burgenstock ay baaqdeen.
Wararka ayaa sheegaya in Iiraan aysan weli dirin wafdigeeda ka qeyb geli lahaa fadhigaas, sababo la xiriira olole weyn oo dhanka militariga ah oo ay Israa’iil ka waddo koonfurta dalka Lubnaan.
Duqeymo culus oo ay Israa’iil xalay iyo saaka ka geysatay koonfurta Lubnaan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof, iyadoo kooxda Xisbullah ay werisay in ay deegaannadaas ka socdaan dagaallo aad u xoogan.
Kulankan baaqday ayaa ku soo beegmay labo maalmood oo kaliya ka dib markii Mareykanka iyo Iiraan ay si dhijitaal ah u kala saxiixdeen heshiis hordhac ah (MoU) oo ka kooban 14 qodob, kaas oo dhigayay muddo 60 casho ah oo wadahadallo rasmi ah lagu galo.
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, oo dowladdiisu u xilsaartay hoggaaminta wadahaddalladan, ayaa qorsheynayay in uu u duulo Swisarland, balse Aqalka Cad ayaa saacadihii ugu dambeeyay ku dhawaaqay in safarkaas la baajiyay.
Qoraalka Aqalka Cad ayaa lagu yiri, “Abaabulka iyo tafaasiisha kulankan marnaba ma noqon kuwo fudud ama la sii saadaalin karo.” Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo qeyb ka ahaa madaxda ku wehlin lahayd dhexdhexaadinta oo ay weheliso dowladda Qatar, ayaa isna baajiyay safarkiisii Swisarland.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Khamistii shalay sheegay in ciidankiisu ay sii joogi doonaan “Aagga Amniga” ee koonfurta Lubnaan inta uu u baahanyahay amniga maamulkiisu.
Inkastoo Israa’iil iyo Xisbullah aysan qeyb ka ahayn heshiiska Mareykanka iyo Iiraan, haddana Tehran waxay ku adkeysaneysaa in Israa’iil ay gabi ahaanba isaga baxdo dhulka ay ka haysato koonfurta Lubnaan si xabbad-joojintu u fuliso.
Dowladda Swisarland ayaa sheegtay in ay wali diyaar u tahay fududeynta wadahaddalladan marka la isku raaco waqti kale, balse ma aysan cayimin taariikh cusub oo ay kulmayaan dhinacyadu.