U bood dhigaalka

Israa’iil oo malaayiin doollar ku bixineysa dib u soo celinta taageerada Mareykanka

Juun 20, 2026

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka Israa’iil uu qorsheynayo inuu ku bixiyo malaayiin doollar ololeyaal xiriir dadweyne iyo warbaahineed ah oo lagu xoojinayo taageerada ay ka hesho gudaha Mareykanka.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan dhaliilaha iyo mudaaharaadyada ka dhanka ah siyaasadaha Israa’iil, gaar ahaan dagaalka Gaza.

Sida lagu sheegay warbixino kala duwan, ololahan ayaa diiradda saari doona kor u qaadista sawirka Israa’iil ee bulshada Mareykanka, iyadoo la adeegsanayo xayeysiisyo, ololeyaal dijitaal ah iyo barnaamijyo lagu beegsanayo kooxaha saameynta leh ee bulshada.

Dhanka kale, magaalooyin iyo jaamacado badan oo ku yaalla Mareykanka ayaa martigeliyay bannaanbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan taageerayaasha Falastiin, kuwaas oo ku baaqaya in la joojiyo taageerada militari iyo midda siyaasadeed ee la siiyo Israa’iil.

Mudaaharaadyadan ayaa sare u qaaday doodda ku saabsan doorka Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayadoo ay Falanqeeyayaashu siyaasadeed ay sheegayaan in Israa’iil ay u aragto taageerada Mareykanka mid laf-dhabar u ah siyaasaddeeda dibadda iyo amnigeeda, taasoo sababtay dadaallo joogto ah oo lagu ilaalinayo xiriirka dhow ee labada dhinac.

Hoggaamiyaasha labada dhinac ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u sii kala fogaanayay, ayadoo Madaxweyne Trump iyo ku-xigeenkiisu ay eedaymo culus u jeediyeen Netanyahu iyo maamulkiisa oo xasuuq bahalnimo ah ka wada dalka Lubnaan.