Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuusan si toos ah u fulin dhammaan codsiyada Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, isagoo xusay in xiriirka u dhexeeya labada hoggaamiye uu ku saleysan yahay wada-shaqeyn iyo is-faham, balse mararka qaar ay jiraan arrimo ay ku kala aragti duwan yihiin.
Netanyahu ayaa wareysi muuqaal ah ku sheegay in uusan sameynin wax kasta oo uu Trump codsado, isagoo sidoo kale tilmaamay in Trump aanu isaguna aqbalin dhammaan dalabaadka ay Israa’iil gudbiso.
“Wax badan ayaan ku heshiinnaa, laakiin mararka qaar waan isku khilaafnaa,” ayuu yiri Netanyahu, isagoo muujiyay in inkastoo ay jiraan kala duwanaanshooyin siyaasadeed, haddana xiriirka labada dhinac uu weli yahay mid dhow.
Hadalka Netanyahu ayaa kusoo beegmaya xilli ay muddooyinkii dambe sii kale fogaanayeen maamulka Trump iyo Israa’iil, ayadoo ay Trump iyo ku-xigeenkiisuba si cad u muujiyeen kala dhaqaaqa labada dhinac.