Afar carruur ah ayaa ku dhintay qarax ka dhashay madfac ka haray dagaalladii hore, kaas oo ka dhacay gobolka Dacaalic ee dalka Yemen, sida ay sheegeen ilo maxalli ah.
Dhanka kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa diiwaangelisay dhimashada ugu yaraan 23 qof oo ay sababeen daadad xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ayay Yemen tan iyo dhammaadkii bishii Maarso ee sanadkan.
Daadadkan ayaa saameeyay deegaanno badan oo dalka ka tirsan, iyadoo kumannaan qoys ay wajahaan barakac, burbur hantiyeed iyo xaalado bani’aadannimo oo sii adkaanaya.
Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in xaaladdu kasii dari karto haddii roobabka xilliyeedka ay sii socdaan, iyadoo Yemen ay horeba ula daalaa dhacaysay dhibaatooyin ka dhashay colaado soo jiitamayay sanado badan.
Wararkii ugu dambeeyay ee Yemen ayaa muujinaya in haraadiga hubka dagaallada iyo masiibooyinka dabiiciga ah ay weli khatar weyn ku yihiin shacabka dalkaasi.