U bood dhigaalka

Trump oo Amar ku Bixiyey in Baaritaan Degdeg ah lagu Sameeyo Shirkadaha Shidaalka

Juun 24, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyey in baaritaan rasmi ah oo degdeg ah lagu sameeyo shirkadaha waaweyn ee shidaalka, isagoo ku eedeeyey inay diideen inay hoos u dhigaan qiimaha batroolka ee laga iibsado kaalimaha, xilli uu hoos u dhac weyn ku yimid qiimaha shidaalka cayriin ee caalamka.

Trump ayaa sheegay in shirkadahani ay macaash xad-dhaaf ah ka helayaan dadweynaha, maadaama qiimaha ay hadda shidaalka ku gadanayaan uusan la mid ahayn qiimaha jaban ee ay iyagu ku soo iibsadaan.

“Waxaan faray Wasaaradda Caddaaladda (DOJ) inay si degdeg ah u bilowdo baaritaanka arrintan,” ayuu Trump ku yiri qoraal xanaaq sanka ka muuqdo oo uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

Wuxuu sidoo kale digniin adag u diray shirkadahaas isagoo yiri: “Qiimaha batroolku waa inuu ku bilowdaa hoos u dhac aad uga dhakhso badan waxa aan hadda arkayo!”

Go’aankan uu Trump ku amaray baaritaanka shirkadaha shidaalka ayaa yimid ka dib markii heshiis laga gaaray khilaafkii kala dhexeeyey dalka Iiraan, dibna loo furay Marinka Hormuz, taas oo hoos u dhigtay qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka, laakiin Trump uu aaminsan yahay in shirkaduhu ay weli lacag kor u dhaaf ah ka miiranayaan shacabka Mareykanka.