U bood dhigaalka

Elon Musk oo sheegay in dhimashada dadka Afrika ay hoos u dhacday kadib dhimistii maalgelinta USAID

Luuliyo 1, 2026

Maalqabeenka caanka ah ee Elon Musk ayaa dood culus ka dhex abuuray baraha bulshada kadib markii uu faafiyay qoraal ku saabsan saameynta dhimistii maalgelinta Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ee dalalka Afrika.

Musk ayaa bartiisa X ku sheegay in heerka dhimashada Afrika uu hoos u dhacay kadib markii la jaray maalgelintii USAID, isagoo ku dooday in hay’addu aysan mar dambe awood u lahayn inay taageerto waxa uu ku tilmaamay kacdoonno rabshado wata oo lagu dhisayo maamulo garabka bidix ah.

Elon Musk ayaa qoraalka uu baahiyay u cuskaday xogo uu ka soo  xigtay macluumaad hordhac ah oo la sheegay in laga helay dalal Afrikaan ah sannadkii 2025, kuwaas oo lagu sheegay inaan qaaradda lagu arkin koror muuqda oo dhimasho kadib dhimistii gargaarka USAID.

Qoraalkaasi wuxuu sidoo kale soo bandhigayaa jaantusyo iyo falanqayn lagu xoojinayo aragtidaas, laguna muujinayo tirooyin is barbar dhig ah.

Si kastaba ha ahaatee, sheegashadaasi waxay dhalisay dood xooggan, ayadoo Khubaro badan oo ku takhasusay caafimaadka iyo horumarinta caalamiga ahi ay hore uga digeem in dhimista maalgelinta USAID ay saameyn ku yeelan karto adeegyada caafimaadka, tallaalka, nafaqada iyo barnaamijyada ka hortagga cudurrada ee dalal badan oo Afrika ku yaalla.

Ilaa hadda, ma jiro caddeyn rasmi ah oo si buuxda u xaqiijinaysa sheegashada Musk ee ah in dhimashada Afrika ay hoos u dhacday sababo la xiriira dhimista maalgelinta USAID.