Saddex ka mid ah wiilasha hoggaamiyihii hore ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada aabbahood oo lagu tukaday magaalada Tehraan, hase yeeshee wiilkiisa Mojtaba Khamenei oo loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka ayaan ka soo muuqan munaasabadda.
Warbaahinta dowladda iyo muuqaallada laga baahiyay janaasada ayaa muujiyay saddexda wiil ee Masoud, Meysam iyo Mostafa oo taagan agagaarka naxashka aabbahood, halka maqnaanshaha Mojtaba uu sii kordhiyay hadal-heynta ku saabsan xaaladdiisa iyo ammaankiisa.
Munaasabadda aaska waxaa ka qeyb galay ku dhowaad 10 milyan oo qof oo baroordiiqaya, madax sare ee dowladda, saraakiil ciidan, iyo Wufuud caalami ah, yadoo toddobaadkan dalka Iiraan uu ka socdo aas qaran oo loo sameynayo Cali Khamenei, kaas oo lagu wado in lagu soo gabagabeeyo magaalada Mashhad.
Maqnaanshaha Mojtaba Khamenei ayaa noqday mid si weyn u soo jiitay indhaha warbaahinta caalamka, maadaama uu yahay hoggaamiyaha cusub ee Iiraan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in sababo amni awgood aan loo soo bandhigin dadweynaha.