U bood dhigaalka

NATO oo wajahaysa kala qaybsanaan, xilli Shir lagu gorfeynayo mustaqbalka isbahaysigani uu ka furmayo Ankara

Luuliyo 6, 2026

Hoggaamiyeyaasha 32-ka dal ee xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO ayaa toddobaadkan ku kulmaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo shirka uu diiradda saarayo kordhinta kharashaadka difaaca, xoojinta warshadaha hubka ee Yurub iyo sii wadidda taageerada milatari ee Ukraine.

Shirkan ayaa imanaya xilli xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub uu wajahayo cadaadis sii kordhaya, kadib hadallo adag oo ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Trump ayaa ku eedeeyay dalalka Yurub inay ka faa’iideystaan difaaca Mareykanka iyagoo aan bixin kaalintooda, wuxuuna mar kale dhaliilay kharashaadka uu Washington ku bixiyo NATO.

Khilaafka ayaa sidoo kale sii xoogaystay kadib dagaalladii la xiriiray Iran, iyadoo Trump uu cambaareeyay qaar ka mid ah dalalka Yurub oo diiday inay si toos ah uga qayb qaataan howlaha militari ee Mareykanka, gaar ahaan ilaalinta marin-biyoodka Hormuz.

Inkastoo Trump uu marar badan ku hanjabay inuu Mareykanka ka saari karo NATO, isla markaana uu dib uga soo celin karo ciidamo ku sugan Yurub, haddana khubaradu waxay aaminsan yihiin in tallaabadaasi aysan fududayn.

Sida sharcigu dhigayo, ka bixitaanka NATO wuxuu u baahan yahay oggolaanshaha laba meelood saddex meel Golaha Senate-ka Mareykanka ama sharci uu ansixiyo Kongareeska.

Khubarada arrimaha amniga ayaa sheegaya in NATO aysan weli gaarin heer burbur ama kala daadsanaan, balse ay galayso marxalad isbeddel weyn leh, iyadoo Yurub lagu riixayo inay qaadato masuuliyad difaac oo ka ballaaran tii hore.

Dhinaca kale, dalalka Yurub ayaa si weyn u kordhiyay kharashaadka difaaca tan iyo sannadkii 2020, balse weli waxay si weyn ugu tiirsan yihiin Mareykanka dhinacyada muhiimka ah sida sirdoonka, gantaallada riddada dheer, difaaca cirka iyo gaadiidka ciidamada.

Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiyadda (IISS) ayaa qiyaasaya in beddelidda awoodaha militari ee Mareykanku Yurub ku taageero ay ku kici karto ku dhowaad hal tiriliyan oo doolar, isla markaana ay qaadan karto in ka badan toban sano.

Shirka Ankara ayaa la filayaa inuu noqdo mid lagu go’aamiyo sida NATO u wajahayso caqabadaha cusub ee amniga, iyadoo mustaqbalka xiriirka Mareykanka iyo Yurub uu noqonayo qodobka ugu weyn ee indhaha lagu hayo.