Dab iyo burbur ayaa laga soo sheegay caasimadda Ukraine ee Kyiv, kaddib markii waaberigii maanta ay la kulantay weerarro xooggan oo ay ciidamada Ruushku ku qaadeen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarradu ay saameeyeen qaybo ka mid ah magaalada, halkaas oo dab ka kacay dhismayaal iyo goobo kale, ayadoo kooxaha gurmadka degdegga ahi ay ku howlanyihiin daminta dabka iyo samatabbixinta dadka ay waxyeelladu gaartay.
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay inay ciidamada difaaca cirka ka hortageen qaar ka mid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, hase yeeshee weerarrada ayaa sababay burbur iyo cabsi ka dhalatay caasimadda.
Dhinaca Ruushka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarradan ugu dambeeyay.
Weerarkan ayaa imanaya iyadoo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine uu weli sii socdo, waxaana labada dhinac ay maalmihii u dambeeyay isweydaarsanayeen weerarro culus oo cirka ah.