Kun maalmood oo dagaal iyo burbur ka dib, waxaa Marinka Gaza laga hirgeliyay Guddiga Qaranka ee Maamulka Gaza, kaas oo lagu sameeyay qorshe ku-meel-gaar ah oo ay taageerayaan dhinacyo caalami ah.
Guddigan looma dhisin inuu noqdo dowlad cusub oo Falastiiniyiin ah, mana ahan mid u taagan ama matalaya Maamulka Falastiin, sidoo kalena kama tirsana ururrada siyaasadeed ee Falastiiniyiinta.
Guddiga oo la shaaciyay bishii Janaayo 2026 ayaa waxaa hoggaaminaya injineer Cali Shaath, wuxuuna ka kooban yahay khubaro iyo farsamayaqaanno Falastiiniyiin ah oo aan metelin xisbiyo siyaasadeed ama urur gaar ah.
Shaqadiisu waxay ku kooban tahay maamulka adeegyada rayidka sida caafimaadka, waxbarashada, dowladaha hoose, biyaha, korontada iyo isku dubbaridka gargaarka bani’aadannimo iyo mashaariicda dib u dhiska.
Si kastaba ha ahaatee, guddigu ma laha awood siyaasadeed, ma matalo shacabka Falastiin, mana maamulo arrimaha amniga, sidoo kalena kama amar qaadan doonaan kooxaha hubeysan sida Xamaas.
Caqabadda ugu weyn ee guddiga haysatana waa dhinaca dhaqaalaha, maadaama Maamulka Gaza uu u baahan yahay miisaaniyad lagu bixiyo mushaharka kumannaan shaqaale, shidaalka, howlgelinta isbitaallada iyo dayactirka kaabeyaasha biyaha iyo korontada.
Arrinta mushaharka ayaa si gaar ah u adag maadaama ay jiraan shaqaale ka tirsan Maamulka Falastiin iyo kuwo ay shaqaaleysiisay dowladdii ay hoggaaminaysay Xamaas wixii ka dambeeyay doorashadii 2006.
Sidoo kale, xiriirka guddiga iyo Xamaas ayaa ah qodob xasaasi ah, inkasta oo Xamaas aysan qayb ka ahayn guddiga, haddana waxay weli tahay awoodda ugu weyn ee dhulkaas ka jirta, sidaas darteedna, sii socoshada shaqada guddigu waxay ku xirnaan doontaa is-afgaradyo u suurtagelisa hay’adaha adeegga inay shaqeeyaan.
Dhanka kale, xaaladda amniga iyo xayiraadaha socdaalka ayaa sii adkeynaya howlaha guddiga, ayadoo Xakamaynta marinnada iyo dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo gargaarka ayaa caqabad ku noqotay gaarsiinta adeegyada si siman dhammaan deegaannada Gaza.
Siyaasad ahaan, guddigu wuxuu ku adkeysanayaa inuu yahay maamul ku-meel-gaar ah, halka Maamulka Falastiinna uu rajeynayo in ugu dambeyn hay’adihiisu dib ugu soo laabtaan Gaza, Hase yeeshee, waxaa jira walaac laga qabo in haddii guddigu helo taageero iyo maalgelin caalami ah oo joogto noqota, uu isu beddeli karo maamul rasmi ah, taasoo sii kala fogeyn karta Gaza iyo Daanta Galbeed.
Waxaa intaas dheer, Israa’iil ayaa weli gacanta ku haysa qaybo ka mid ah Gaza iyo marinno muhiim ah, taasoo saameyn ku leh awoodda guddiga ee fulinta waajibaadkiisa.
Mustaqbalka guddigani kuma xirna oo keliya kartidiisa maamulka, balse sidoo kale wuxuu ku xiran yahay heshiisyada siyaasadeed iyo xaaladda amni ee gobolka.
Si kastaba ha ahaatee Guddiga Qaranka ee Maamulka Gaza waxaa loo arkaa isku day lagu maareynayo marxalad adag oo ku-meel-gaar ah, balse guushiisa waxay ku xirnaan doontaa helitaanka maalgelin waarta, wada-shaqeynta dhinacyada Falastiiniyiinta, fududeynta gargaarka bani’aadannimo iyo horumarka laga sameeyo xal siyaasadeed oo waara.