U bood dhigaalka

Golaha Midnimada Soomaaliyeed iyo Golaha Nabad iyo Nolol oo Isku Raacay Doorashada Qof iyo Codka ah

Luuliyo 9, 2026

Golaha Midnimada Soomaaliyeed oo ay hoggaaminayaan Raysalwasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle, ayaa soo bandhigay qorshe qaran oo ku saabsan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo nidaam xisbiyo badan oo beddela qaabkii hore ee awood-qaybsiga ku dhisnaa.

Dhanka kale, Golaha Nabad iyo Nolol oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa iyaguna taageeray qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, balse waxay soo jeediyeen in lagu daro in dadka la diwaangaliyo maalinta Doorashada kaas oo u oggolaanaya muwaadiniinta aan hore isu diiwaangelin inay maalinta doorashada tagaan goobta codbixinta, halkaasna lagu diiwaangeliyo isla markaana ay si toos ah codkooda uga dhiibtaan.

Qorshaha Golaha Midnimada Soomaaliyeed wuxuu dhigayaa in Golaha Shacabka si toos ah ay u soo doortaan shacabka Soomaaliyeed, halka xubnaha Aqalka Sare ay soo dooranayaan dowlad-goboleedyada.

Sidoo kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Federaalka (IFEC) ayaa maamuli doona doorashada, halka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka (EDRC) oo kaashanaya Maxkamadda Sare ay xallin doonaan murannada ka dhasha doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale qorshaha lagu dammaanad qaaday in haweenku ay helaan ugu yaraan 30% kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Soo jeedinta Golaha Nabad iyo Nolol ee ku saabsan nidaamka EDR ayaa lagu tilmaamay mid kor u qaadi karta ka qaybgalka shacabka ee doorashooyinka, iyadoo habkan ay adeegsadaan gobollo badan oo ka tirsan Mareykanka iyo dalal kale oo caalamka ah.