Maqnaanshaha hoggaamiyaha cusub ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa sii kordhiyay hadal-haynta gudaha iyo dibadda dalkaas, iyadoo weli aan si rasmi ah loo arkin ama aan laga maqal wax cod ah tan iyo markii loo magacaabay xilka hoggaamiyaha sare bishii Maarso.
Mojtaba Khamenei ayaa si buuxda uga maqnaa aaska aabihii, hoggaamiyihii hore Ayatullah Cali Khamenei, mana uusan soo saarin farriin qoraal ama muuqaal ah, arrintaas oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan xaaladdiisa caafimaad iyo awooddiisa hoggaamineed.
Sida ay qortay Reuters, ilo sare oo Iiraani ah ayaa sheegay in Mojtaba uu dhaawacyo culus kasoo gaaray weerarkii lagu dilay aabihii dabayaaqadii Febraayo, ayadoo Ilo-wareedyadu ay sheegeen inuu weli go’aannada dalka ka qayb qaato, balse uusan awoodin inuu si fagaare ah uga soo muuqdo sababo la xiriira caafimaadkiisa iyo ammaankiisa.
Dhanka kale, warbaahinta bulshada iyo falanqeeyayaal qaar ayaa faafiyay xogo sheegaya in Mojtaba Khamenei laga yaabo inuu geeriyooday, islamarkaana xogtiisa la qarinayo.
Waxaa kale oo jira dood kale oo aan la xaqiijin oo oranaysa in wadaad kale uu si dhab ah u hoggaamiyo dalka, halka magaca Mojtaba loo adeegsanayo sababo amni awgood, balse ma jiro wax caddeyn rasmi ah oo taageeraysa sheegashooyinkaas.
Dowladda Iiraan weli ma shaacin wax war ah oo muujinaya inuu dhintay ama xilka laga qaaday, sidoo kale Reuters waxay sheegtay in sababta maqnaanshihiisa ay ilo rasmi ah ku tilmaameen dhaawacyo iyo walaac dhanka ammaanka ah.
Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa bishii May sheegay inuu la kulmay hoggaamiyaha cusub, isagoo xusay in xaaladdiisa caafimaad ay soo hagaagayso.
Khubarada ayaa sheegaya in maqnaanshaha hoggaamiye aan shacabka arkin ama codkiisa maqlin uu caqabad ku noqon karo maamulka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, gaar ahaan xilli dalka uu wajahayo xiisado amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.
Falanqeeyaha taariikhda casriga ah ee Jaamacadda St Andrews, Ali Ansari, ayaa sheegay in ay adkaan karto in hoggaamiye cusub uu helo kalsoonida shacabka haddii uu muddo dheer ka maqnaado fagaarayaasha, isagoo xusay in xaaladdan aysan sii socon karin muddo dheer.
Ilaa iyo hadda, xogaha la xaqiijiyay waa in Mojtaba Khamenei aan lagu arkin meel fagaare ah tan iyo magacaabistiisii, balse wararka sheegaya inuu geeriyooday ama in qof kale si qarsoodi ah u hoggaaminayo Iiraan lama hayo wax caddeyn rasmi ah oo xaqiijinaysa.