Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqday in si ku-meel-gaar ah loo hakinayo dhammaan duulimaadyada rayidka ee ka baxa kana soo dega garoomada diyaaradaha Galmudug, iyadoo la tixgelinayo sugidda amniga iyo xaqiijinta habsami-u-socodka doorashooyinka.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cabdiqor Maxamed Maxamed, ayaa lagu sheegay in go’aankan uu dhaqan geli doono 30-ka Luulyo 2026, isla markaana uu sii jiri doono inta ay socoto doorashada ama ilaa amar kale oo rasmi ah kasoo baxa Wasaaradda.
Go’aanka ayaa khuseeya dhammaan shirkadaha diyaaradaha, maamulka garoomada, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) iyo hay’adaha kale ee ay quseyso.
Wasaaraddu waxay xustay in duulimaadyada la xiriira xaaladaha degdegga ah, gargaarka bani’aadannimada ama arrimaha amniga loo oggolaan doono oo keliya fasax rasmi ah oo ay bixiso Wasaaradda.
Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha ay khuseyso inay si buuxda u fuliyaan amarkan, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo habsami-u-socodka doorashada.