Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay, iyadoo iskaashi la sameynaysa Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM), duqeymo bartilmaameed ah ka fulisay kooxo hubeysan oo ay ku tilmaantay kuwo ay Iiraan taageerto, kuwaas oo ku sugan gudaha Ciraaq.
Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarradan ay jawaab u ahaayeen weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo dhowaan lagu bartilmaameedsaday xarumo shidaal oo ku yaalla Bariga Sacuudiga iyo gobolka Riyaad.
Dowladda Sucuudiga ayaa intaas ku dartay in difaacyadeeda cirka ay soo rideen dhowr drone oo la sheegay in laga soo diray dhulka Ciraaq.
Dhanka kale, Ciidamada loo yaqaanno PMF ee Ciraaq ayaa sheegay in siddeed ka tirsan xubnahooda lagu dilay duqeymaha, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.
PMF waxay ku tilmaantay weerarka mid halis gelinaya amniga gobolka isla markaana xadgudub ku ah madaxbannaanida Ciraaq.
Kooxda Islamic Resistance in Iraq, oo ay ku mideysan yihiin kooxo ay Iiraan taageerto, ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarradii drones-ka ee lagu qaaday Sacuudiga.
Waxay ku tilmaantay eedeymaha Sacuudiga kuwo aan sal iyo raad lahayn, iyagoo sidoo kale ka digay inay si adag uga jawaabi doonaan tallaabo kasta oo militari oo ka dhan ah.
Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Al-Zaidi, ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago Sacuudi Carabiya maalinta Khamiista, maalmo kadib markii uu amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo weerarradii drones-ka ee lagu qaaday Sacuudiga.
Dowladda Ciraaq ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay inaan dhulkeeda loo adeegsan weerarro lagu qaado dalalka deriska ah.
Duqeymihii ugu dambeeyay ayaa imanaya iyadoo xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga, Mareykanka iyo kooxaha ay Iiraan taageerto ay sii kordhayso, arrintaas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in colaaddu ku fido dalal kale oo Bariga Dhexe ah.