Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka rasmiga ah ee hannaanka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo la caddeeyay taariikhaha ay dhacayaan marxaladaha kala duwan ee doorashada.
Sida ku cad jadwalka uu soo saaray Guddiga, diiwaangelinta musharaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qabsoomaysa 5 iyo 6 Agoosto 2026, iyadoo xilliga shaqadu yahay 9:30 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo.
Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in 8 Agoosto la qaban doono bixinta shahaadooyinka musharaxiinta, halka 9 Agoosto loo asteeyay diyaar-garowga Guddiga Doorashada.
Ugu dambeyn, 10 Agoosto 2026 ayaa loo qorsheeyay in la qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa sheegay in musharaxnimada ay u tartami karaan xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS, waxaana musharaxu laga doonayaa inuu buuxiyo shuruudaha ku xusan xeerarka doorashada, isagoo soo gudbinaya dukumentiyada looga baahan yahay oo ay ka mid yihiin codsiga musharaxnimada, taariikh-nololeedka (CV), nuqulka aqoonsiga, labo sawir iyo warqadda caddeynta lacag bixinta ee Bangiga Dhexe.
Guddiga ayaa codsaday in musharax kasta oo u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu buuxiyo shuruudaha soo socda:
In uu yahay xubin ka tirsan Golaha Shacabka BJFS.
In da’diisu aysan ka yarayn 35 sano.
In labadiisa waalid ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.
In uusan/aysan qabin xaas ama nin ajnabi ah.
In uu ka noqdo jinsi kasta oo dal kale ah haddii uu guuleysto.
In uu caddeeyo hantida uu leeyahay una gudbiyo Hantidhowrka Guud.
In uu soo gudbiyo codsiga musharaxnimada, CV, nuqulka aqoonsiga xildhibaanimo (ID), 2 sawir, iyo warqadda caddaynta lacag bixinta ee Bangiga Dhexe.
Kharashka Diiwaangelinta
Musharaxiinta Ragga ah: $30,000 (Soddon kun oo Doolar) oo lagu shubayo xisaabta Lr. 127 ee Bangiga Dhexe.
Musharaxiinta Dumar ah: $15,000 (Shan iyo Tobon kun oo Doolar)