U bood dhigaalka

Iiraan oo baahisay muuqaal cusub oo laga duubay Hoggaamiyaha Sare Mojtaba Khamenei

Ogoosto 10, 2026

Warbaahinta Iiraan ayaa baahisay muuqaal naadir ah oo lagu arkayo Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, xilli ay sii socdeen su’aalaha iyo hadal-heynta ku saabsan xaaladdiisa iyo maqnaanshihiisa muuqaalka dadweynaha.

Wakaaladda wararka ee Mehr ayaa muuqaalka ku baahisay Telegram iyo baraha kale ee ay isticmaasho 8-dii Agoosto 2026.

Muuqaalka ayaa muujinaya Khamenei oo ay hareer taagan yihiin dhowr qof, isaga oo u muuqda inuu la hadlayo ama cashar siinayo dadka ku xeeran, balse warbixinta Mehr laguma sheegin goorta ama goobta saxda ah ee muuqaalka laga duubay, sidoo kalena lama aqoonsan dadka kale ee muuqaalka ka muuqda.

Muuqaalka ayaa soo baxay xilli ay jireen warar iyo hadal-heyn xooggan oo ku saabsan caafimaadka Khamenei iyo sababta uu muddo dheer uga maqnaa muuqaalada dadweynaha, iyadoo warbaahinta Iran ay horey u sheegtay in madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, uu kulan la yeeshay Khamenei dabayaaqadii July, islamarkaana kulankaasi uu la xiriiray arrimo milatari, dhaqaale iyo tamar.

Sida ay fallanqeeyaasha qaar sheegayaan, faafinta muuqaalka cusub waxaa loo arki karaa isku day lagu muujinayo in Hoggaamiyaha Sare uu weli firfircoon yahay, iyadoo la doonayo in la yareeyo shakiga iyo wararka ku saabsan xaaladdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama aan la shaacin taariikhda iyo goobta lagu duubay muuqaalka, muuqaalka kaligiis ma xaqiijinayo goorta la duubay ama xaaladda caafimaad ee Khamenei waqtigan.