U bood dhigaalka

Maxkamad ku taalla dalka Suuriya oo dil ku xukuntay Bashaar Al-Asad iyo saraakiil hore

Ogoosto 11, 2026

Maxkamadda Dambiyada ee magaalada Dimishiq ayaa soo saartay xukunno culus oo ka dhan ah madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa nidaamkiisii, iyadoo maxkamaddu ku heshay dambiyo ay ka mid yihiin dil, jirdil, afduub, xorriyad ka qaadis iyo falal ay ku tilmaantay dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Bashaar Al-Asad lagu helay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dilal ula kac ah oo loo geystay dad badan, dilal loo geystay carruur ka yar 15 sano, dilal lala xiriiriyay jirdil iyo tacaddi, kicin iyo dhiirrigelin dilal soo noqnoqday, jirdil sababay dhimasho iyo xorriyad ka qaadis dad badan. Sida ku cad go’aanka maxkamadda, dambiyadan ayaa loo aqoonsaday kuwo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal, waxaana Bashaar Al-Asad lagu xukumay dil.

Xukunka ayaa sidoo kale lagu riday walaalkiis Maahir Al-Asad iyo saraakiil kale oo hore uga tirsanaa nidaamkii taliskii hore, ayadoo Saraakiishan dilka lagu xukumay ay ka midyihiin Fahad Al-Fureej, Luay Al-Cali, Qusay Mahiib, Wafiq Naasir iyo Talaal Al-Caythami.

Maxkamaddu waxay sheegtay in eedaha loo haysto ay ku jiraan dilal badan, jirdil, afduub, xorriyad ka qaadis iyo falal kale oo loo aqoonsaday dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada.

Kiiska sida gaarka ah loo hadal hayo ayaa ahaa midka Caatef Najiib, oo hore u ahaa madaxa Laanta Amniga Siyaasadda ee Darca, waxaana Najiib uu ahaa eedeysanaha maxkamadda hor yimid, halka inta badan dadka kale ee lagu xukumay ay yihiin eedeysanayaal baxsad ah.

Maxkamaddu waxay Najiib ku heshay dilal, jirdil sababay dhimasho, afduub iyo xorriyad ka qaadis, iyadoo sidoo kale lagu soo oogay dambiyo kale oo ay ka mid yihiin hurinta colaadaha iyo nacaybka kooxeed, ku takri-falka awoodda, ku xadgudubka waajibaadka shaqada, lunsashada hanti dadweyne iyo lacag dhaqis.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Najiib uu si buuxda u diiday dhammaan eedaha loo soo jeediyay, isla markaana uu diiday markhaatiyadii lagu hor keenay maxkamadda, hase yeeshee, garsoorku wuxuu sheegay in eedaha lagu taageeray caddaymo badan oo ay ka mid yihiin markhaatiyo, hadallada dhibbanayaasha, dukumentiyo rasmi ah, warbixinno caafimaad, muuqaallo iyo codad laga soo bandhigay dhageysiga dacwadda iyo warbixinno caalami ah oo la diiwaangeliyay.

Go’aanka maxkamaddu wuxuu si gaar ah u xusay dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Darca, halkaas oo lagu eedeeyay in ciidamada iyo hay’adaha amniga ay si xooggan uga jawaabeen kacdoonkii bilowday sannadkii 2011.