Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay, halka 27 qof oo kale weli la la’yahay, kadib markii doon rakaab oo buux-dhaaf ah ay ku rogmatay Harada Kariba ee dalka Zimbabwe.
Hay’adda Ilaalinta Madaniga ah ee Zimbabwe ayaa sheegtay in shilku dhacay Talaadadii, xilli doonta ay la kulantay mowjado xooggan.
Sida hay’addu sheegtay, ugu yaraan 77 qof ayaa la soo badbaadiyey, ayadoo doontani ay u kala gooshi jirtay magaalada Kariba ee waqooyiga Zimbabwe iyo jasiirado iyo xeryo kalluumeysi oo ku yaalla harada.
Saraakiishu waxay sheegeen in doontu sidday dad ka badan awooddeedii loogu talagalay oo ahayd 90 qof.
Tirada saxda ah ee dadka saarnaa doonta weli lama xaqiijin, balse hay’adaha Zimbabwe waxay sheegeen in diiwaanka tigidhada uu muujinayo in ay saarnaayeen ugu yaraan 114 rakaab ah oo qaangaar ah iyo shan shaqaale ah.
Booliska qaranka Zimbabwe ayaa sheegay in hawlgallada baadigoobka iyo samatabbixintu ay socdaan, ayadoo warbaahinta dowladda ee ZBC ay baahisay muuqaallo muujinaya doonyo xawaare sare ku socda oo ku wajahan doon u muuqata inay rogmatay, iyadoo diyaarad nooca helicopter-ka ah ay hawada ka dul wareegaysay goobta.
Koox ka shaqaysa baaritaanka biyaha hoostooda ayaa sidoo kale loo diray harada si ay uga qaybqaadato raadinta dadka la la’yahay.
Markhaati lagu magacaabo Maxton Kanhema, oo la hadlay AFP, ayaa sheegay in doonta safarkeeda bilowday xilli cimiladu xumayd, wuxuuna intaa ku daray in hir xooggan laga yaabo inuu ku dhuftay doonta, taasoo keentay in matooradeedu istaagaan.
Haradu waxay ka samaysantay dhismaha biyo-xireenka Kariba oo lagu xannibay webiga Zambezi dabayaaqadii 1950-meeyadii iyo bilowgii 1960-meeyadii,waxayna dherer ahaan ka badan tahay 200km, halka meelo ka mid ah ballaceedu gaarayo ku dhowaad 40km.
Shilkan ayaa mar kale soo bandhigay khatarta ka dhalan karta isku-darka rakaab badan, xaalado cimilo oo adag iyo safarrada gaadiidka biyaha, iyadoo hawlgallada baadigoobka dadka la la’yahay ay weli socdaan.