Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, 10 kalena ku dhaawacmeen weerar ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen markab ganacsi oo laga leeyahay Masar, xilli uu marayay marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, sida ay sheegtay dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.
Weerarka oo dhacay Talaadadii ayaa lagu qaaday markabka Tihamah, waxaana masuuliyiinta Yemen ay sheegeen in Xuutiyiintu ku dhufteen saddex gantaal oo ballistic ah.
Gantaallada ayaa sababay dab xooggan iyo burbur weyn oo soo gaaray markabka, ayadoo wasaaradda Gaadiidka Yemen ay sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan saddex muwaadin oo Pakistan u dhashay iyo hal muwaadin oo Indonesia ah.
Laba askari oo ka tirsan ciidamadii gurmadka ayaa iyaguna lagu dilay weerar labaad sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Yemen, oo Tilmaamay in markii ciidamada gurmadku bilaabeen daadgureynta shaqaalaha markabka iyo dadka ku dhaawacmay weerarkii hore, Xuutiyiintu ay markabka ku soo rideen gantaal kale.
Gantaalka labaad ayaa ku dhacay goobtii uu ka socday howlgalka samatabbixintu, waxaana halkaas ku dhintay laba askari, taas oo tirada Guud ka dhigtay 6 dhimasho ah iyo 10 dhaawac ah.
Bab al-Mandab waa marin-biyood muhiim ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana muhiim u ah isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee u kala goosha Aasiya, Bariga Dhexe iyo Yurub.
Weerarrada sii kordhaya ayaa sare u qaadaya walaaca laga qabo in amniga maraakiibta ganacsiga uu mar kale si weyn u xumaado, iyadoo khatartaasi ay saameyn ku yeelan karto ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamka.
.