Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaareysay Iiraan, kaddib markii ay sheegtay in laba markab oo xiriir la leh shirkadda qaranka shidaalka ee Abu Dhabi, ADNOC, oo la weeraray xilli ay marayeen Marin-biyoodka Hormuz.
ADNOC ayaa xaqiijisay in labada markab la weeraray fiidnimadii Khamiista, balse shirkaddu sheegtay in xaaladda markii dambe la xakameeyay, ayadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadku ay sheegtay in aan wax dhaawac ah laga soo sheegin weerarka.
Imaaraadku wuxuu weerarka ku tilmaamay fal cadowtinimo ah, isagoo si gaar ah ugu eedeeyay Iiraan inay bartilmaameedsatay maraakiibta ADNOC.
Abu Dhabi ayaa sidoo kale ku tilmaantay isku day kasta oo lagu doonayo in Marin-biyoodka Hormuz loo adeegsado cadaadis dhaqaale inuu yahay “burcad-badeednimo” iyo khatar toos ah oo ku wajahan xasilloonida gobolka iyo amniga tamarta adduunka, balse Iiraan weli ma aysan bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha Imaaraadka.
Weerarkan ayaa yimid maalmo kaddib markii Imaaraadku uu sheegay in markab kale oo ADNOC ah lagu weeraray isla marin-biyoodka, ayadoo weerarkaasina, sida ay sheegtay Abu Dhabi, wax dhaawac ah aanu geysan.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa noqday meel si weyn loogu loollamayo tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan bishii Febraayo.