U bood dhigaalka

Haweeney 84 jir ah oo si mucjiso ah looga badbaadiyay burburka dhul gariir saddex maalmood ka hor ka dhacay Indonesia

Ogoosto 20, 2026

Haweeney 84 jir ah oo curyaan ah ayaa si mucjiso ah nolol loogu helay iyadoo ku hoos jirta burburka gurigeeda, saddex maalmood kaddib dhulgariir xooggan oo ku dhuftay jasiiradda Flores iyo deegaannada ku dhow.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Paulina Pobi ayaa ku noolayd jasiirad yar oo waqooyiga ka xigta Flores, gurigeeda oo ka mid ahaa boqollaal dhisme oo ku dumay dhulgariirka, ayaa waxaa hoostiisa ku aasnayd haweeneyda kadib markii ay soo dumeen darbiyada bamboo-ga ah.

Qoyskeeda ayaa markii hore u maleynayay in Paulina la badbaadiyay oo loo qaaday goob dadka barakacay lagu ururiyay, hase yeeshee, markii ay dib ugu laabteen guriga, waxay heleen iyadoo weli ku hoos jirta burburka.

Mas’uul maxalli ah oo lagu magacaabo Rudolfus Riba ayaa sheegay in maadaama haweeneydu ay curyaan ahayd oo aysan awoodin inay dhaqaaqdo ama hadasho, ay qaadatay ilaa maalintii afaraad in qoyskeedu ay helaan.

Riba ayaa sheegay in xaaladdeedu ay wanaagsan tahay, iyadoo aan wax dhaawac ah soo gaarin, balse ay xoogaa tabar-darnayd maadaama aysan wax cunin ama cabin muddo dhowr maalmood ah. Qoyskeeda ayaa dhacdada ku tilmaamay wax u eg mucjiso.

Dhulgariirka oo cabbirkiisu ahaa 7.7 magnitude ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 73 qof, halka in ka badan 900 qof ay ku dhaawacmeen. Ku dhowaad 60,000 qof ayaa sidoo kale ka barakacay guryahooda, sida ay sheegtay hay’adda maareynta musiibooyinka Indonesia ee BNPB.

Hay’adda cilmiga dhulka iyo saadaasha Indonesia ee BMKG ayaa sheegtay in tan iyo markii dhulgariirku dhacay la diiwaangeliyay in ka badan 3,000 dhulgariir oo daba socda, kuwaas oo ugu yaraan 86 ka mid ah ay ahaayeen kuwo ay dadka deegaanka dareemi karaan.

Dhanka kale, dowladda Indonesia ayaa sheegtay in tan iyo Sabtidii la gaarsiiyay dadka ay musiibadu saameysay ku dhowaad 400 tan oo gargaar ah, oo isugu jira cunto, biyo iyo dawooyin.

Indonesia ayaa ka mid ah dalalka dunida sida joogtada ah ula kulma dhulgariirrada, maadaama ay ku taallo waxa loo yaqaan “Pacific Ring of Fire”, oo ah dhul ay ku badan yihiin dhaqdhaqaaqyada dhulka iyo foolkaanayaasha, kuna fidsan Japan, Koonfur-bari Aasiya iyo qaybo badan oo Badweynta Baasifigga ah.