U bood dhigaalka

Lubnaan oo Suuriya u gacan geliyay Jeneraal hore oo ka tirsanaa ciidankii Bashaar Al-Asad

Ogoosto 20, 2026

Dowladda Lubnaan ayaa mas’uuliyiinta Suuriya ku wareejisay Jeneraal hore oo sare uga tirsanaa ciidankii dowladdii Bashaar Al-Asad, kaas oo wajahaya eedeymo la xiriira dil, jirdil iyo dambiyo kale oo culus.

Jeneraalka la wareejiyay ayaa lagu magacaabaa Cadel Ciise (Adel Issa), oo 67 jir ah. Wuxuu horey u ahaa taliyihii Qaybta 17-aad ee ciidanka Suuriya, waxaana markii dambe loo magacaabay hoggaaminta ciidamada dhulka ee gobolka Deir ez-Zur.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa xaqiijisay in Ciise lagu wareejiyay gacanta dowladda Suuriya, iyadoo sheegtay in amar qabasho oo kasoo baxay Suuriya uu ku eedeynayo dambiyo ay ka mid yihiin dil ula kac ah, fududeynta dembi culus, dilka in ka badan laba qof, jirdil sababay dhimasho iyo falal lagu hurinayay dagaal sokeeye iyo colaado kooxeed.

Kiiska Jeneraalka ayaa loo gudbin doonaa garsoore baaritaan oo ku sugan Dimishiq, kaas oo go’aamin kara in dacwadda loo gudbiyo maxkamad dembiyeed si loo qaado maxkamadeyn rasmi ah.

Wararka ay soo xigatay Reuters ayaa sheegaya in Cadel Ciise uu beeniyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay. Waxaa la xiray 8-dii Agoosto, kaddib markii uu tegay safaaradda Suuriya ee magaalada Beyruut si uu uga shaqeysto arrimo la xiriira waraaqihiisa.

Mas’uuliyiinta safaaradda ayaa markii ay ogaadeen inuu yahay qof ay Suuriya dooneyso, waxay arrinta u gudbiyeen xafiiska xeer-ilaalinta Lubnaan, waxaana halkaas ka dib lagu qabtay.
Wareejinta Jeneraal Ciise ayaa noqoneysa markii ugu horreysay ee Lubnaan ay Suuriya ku wareejiso sarkaal militari oo hore uga tirsanaa nidaamkii Bashaar Al-Asad tan iyo markii xukuumaddii Al-Asad ay burburtay dhammaadkii 2024.

Dowladda cusub ee Suuriya, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Al-Sharaa, ayaa muddooyinkii dambe cadaadis ku saareysay Lubnaan inay tallaabo ka qaaddo saraakiishii hore ee militariga iyo amniga ee u qaxay dalkaas kaddib burburkii nidaamkii Al-Asad.

Bishii Janaayo, mas’uuliyiinta Suuriya ayaa saraakiisha amniga Lubnaan u gudbiyay liis ay ku jiraan in ka badan 200 oo sarkaal oo sare oo ka tirsanaa dowladdii hore, kuwaas oo Damascus ay dooneyso in loo soo qabto.

Dhanka kale, maxkamad ku taalla Dimishiq ayaa horraantii bishan xukun dil ah, isagoo maqan, ku ridday Bashaar Al-Asad, iyadoo lagu soo oogay eedeymo ay ka mid yihiin dil, xarig sharci-darro ah iyo jirdil. Al-Asad ayaa hadda ku nool magaalada Moscow.