Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa shaaciyay degmooyinka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee lagu qabanayo doorashooyinka isku-sidka ah ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Hirshabeelle.
Guddigu wuxuu sheegay in doorashooyinkan ay ka dhici doonaan lix degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo lix degmo oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Degmooyinka Gobolka Hiiraan waxaa ka mid ah Beledweyne, Jalalaqsi, Buuloburde, Matabaan, Jawiil iyo Farlibaax, halka Gobolka Shabeellaha Dhexe ay doorashadu ka dhici doonto Jowhar, Balcad, Warsheekh, Cadale, Mahadaay iyo Raage-Ceelle.
Sida uu guddigu shaaciyay, guud ahaan 12 degmo oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka isku-sidka ah ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.