Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada ku-celiska ah ee isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Warkan ayaa yimid ka dib markii guddigu u hoggaansamay go’aankii Maxkamadda Sare ee JFS (SUM:MSF/DD/BX/ 1/2026) ee soo baxay 24-kii Agoosto 2026, iyadoo loo cuskaday Qodobka 10aad ee Sharciga GMDQS iyo Qodobka 18aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Sida ku xusan jadwalka rasmiga ah ee guddigu soo saaray, hawlaha doorashada ayaa ka bilaaban doona 10-ka Sebtembar 2026 oo lagu dhawaaqi doono astaynta iyo shaacinta xarumaha iyo goobaha codbixinta.
Waxaa 20-ka Sebtembar ku xigi doonta shaacinta liiska musharixiinta ururrada siyaasadda, halka 22-ka Sebtembar loo mudeeyay soo gudbinta liiska wakiillada ururrada siyaasadda ee goobaha codbixinta.
Qeybaha dambe ee geedi-socodka ayaa sii socon doona 26-ka Sebtembar oo aqoonsi rasmi ah la siin doono wakiillada ururrada iyo korjoogtada, ka hor inta uusan ololaha doorashadu si rasmi ah u xirmin 28-ka Sebtembar 2026.
Geedi-socodkan oo dhan ayaa lagu soo gabagabeyn doonaa Maalinta Doorashada ku-celiska ah oo loo mudeeyay 30-ka Sebtembar 2026.