U bood dhigaalka

Ciidanka Yemen oo sheegay inay dib ula wareegeen dhul istiraatiiji ah,  xilli dagaallo ay ka socdaan Ticis iyo Xudeyda

Sebteembar 5, 2026

Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay inay dib ula wareegeen goobo muhiim ah oo ay horay u haysteen Xuutiyiinta, xilli dagaallo culus ay maalintii labaad ka socdaan qaybo ka mid ah koonfur-galbeed iyo xeebaha dalka.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dib u qabsadeen buuraha Al-Khazan iyo Al-Makahna, oo ku yaalla degmada Jabal Habashi ee galbeedka magaalada Ticis.

Goobahan ayaa muhiimad istiraatiiji ah ku leh dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo gacan-ku-haynta dhulka ku dhow xeebaha Badda Cas, ayadoo
dagaalladu ayaa sidoo kale ka socda galbeedka Ticis iyo koonfurta Xudeyda, kadib markii Xuutiyiintu ay weerar ballaaran ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda ee ku yaalla jiidda xeebaha.

Wararka laga helayo dhinacyada dagaallamaya ayaa sheegaya in dagaalladii labada maalmood socday ay dhinacyada iska soo horjeeda ka dileen tiro badan oo askar iyo dagaalyahanno ah.

Ilaha Xuutiyiinta  ka ag dhow ayaa warbaahinta u sheegay in in ka badan 100 dagaalyahan oo labada dhinac ah lagu dilay tan iyo markii uu weerarku billowday Khamiistii.

Sidoo kale Saraakiil militari oo Yemen ah ayaa sheegay in 24 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay dagaallada ka dhacay agagaarka xeebaha galbeed, halka sarkaal kale uu sheegay in 15 askari oo dheeraad ah lagu dilay iska horimaadyada Ticis.

Dhanka kale, ilo caafimaad oo ku sugan deegaannada ay Xuutiyiintu maamulaan ayaa sheegay in ugu yaraan 42 dagaalyahan lagu dilay dagaallada.
Saraakiil Yemeni ah ayaa sheegay in Xuutiyiintu doonayaan inay gacanta ku dhigaan buuraha ku hareeraysan marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo magaalada Al-Makha, kadibna ay u gudbaan dhanka xeebaha Badda Cas.

Al-Makha waxay leedahay muhiimad istiraatiiji ah, maadaama ay ku dhowdahay Bab al-Mandab, oo ah marin-biyoodka isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xuutiyiinta ayaa magaaladaas laga saaray sanadkii 2017, kadib markii ciidamada dowladda Yemen iyo isbahaysigii uu hoggaaminayay Sacuudiga ay dib ula wareegeen.

Haddii dagaalladu sii socdaan, gacan-ku-haynta dhulka ku dhow Bab al-Mandab iyo Al-Makha waxay yeelan kartaa muhiimad militari iyo istiraatiiji ah, maadaama marin-biyoodkaasi uu yahay mid ka mid ah waddooyinka badda ee ugu muhiimsan gobolka.