Wakiillo sare oo ka socda Mareykanka ayaa Moscow kula kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray sidii dib loogu soo nooleyn lahaa dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.
Wafdiga Mareykanka waxaa hoggaaminayay Steve Witkoff iyo Jared Kushner, kuwaas oo wakiil ka ah Madaxweyne Donald Trump, waxaana Kulanka oo ka dhacay Kremlin-ka uu socday in ka badan saddex saacadood.
Aqalka Cad ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen qorshayaal wax-ku-ool ah oo ku saabsan tallaabooyinka xiga, kuwaas oo la filayo in faahfaahintooda la shaaciyo toddobaadyada soo socda.
Dhinaca Ruushka, la-taliyaha Putin ee arrimaha dibadda Yuri Ushakov ayaa sheegay in wada-hadalladu ahaayeen kuwo wax-ku-ool ah, furan oo toos ah, isaga oo xusay in wakiillada Mareykanku ay soo bandhigeen dhowr fikradood oo ku saabsan waddooyinka lagu gaari karo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro dagaalka.
Putin ayaa sidoo kale ku adkeystay in Moscow ay doonayso in wax laga qabto waxa ay ugu yeerto sababaha asaasiga ah ee dagaalka, isaga oo sheegay in Ruushku uu horumar ka sameynayo goobaha dagaalka isla markaana uu ku kalsoon yahay inuu gaaro ujeeddooyinkiisa.
Arrintan ayaa muujinaysa in Moscow aysan weli si buuxda uga tanaasulin mowqifkeeda ku aaddan dhulka iyo xaaladda amni ee Ukraine.
Dhanka kale, wakiillada Mareykanka ayaa kulanka Moscow kadib u gudbay Ukraine, waxaana la qorsheeyay inay Kyiv kula kulmaan Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy. Kulanka Kyiv ayaa qayb ka ah dadaalka Washington ee lagu doonayo in la isu soo dhoweeyo mowqifyada Ruushka iyo Ukraine, xilli farqi weyn uu weli ka dhexeeyo labada dhinac.
Intii wada-hadalladu socdeen, Ruushka iyo Ukraine waxay ku heshiiyeen in muddo kooban la joojiyo weerarrada lagu beegsanayo caasimadaha Kyiv iyo Moscow.
Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin uu amray in aan Kyiv la duqeyn muddo saddex maalmood ah, halka Zelenskyy uu sheegay in Ukraine ay diyaar u tahay inay ka fogaato weerarrada lagu qaado Moscow muddadaas.
inkastoo wada-hadalladan diblomaasiyadeed ay dib u soo nooleeyeen rajada laga qabo heshiis nabadeed, haddana illaa hadda lama shaacin heshiis kama dambeys ah ama xabbad-joojin guud.