Xiisadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa sii xoogeysatay kadib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) uu sheegay in ciidamada Mareykanku ay burburiyeen shan markab oo qaada saliidda ceyriin ee Iiraan, tallaabadaas oo lagu sheegay inay jawaab u tahay weerarro ay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) isku dayeen inay ku qaadaan markab dagaal oo Mareykan ah.
Sida uu sheegay CENTCOM, IRGC ayaa laba jeer isku dayday inay markabka dagaalka Mareykanka ku garaacdo gantaallo ballistic ah muddo laba maalmood gudahood ah, hase yeeshee markabka ayaa ka badbaaday weerarrada, wuxuuna sii watay howlihiisa biyaha gobolka, iyadoo aan wax askar Mareykan ah ah ku dhaawacmin ama ku dhiman.
Kadib weerarradaas, ciidamada Mareykanka ayaa weeraray shan markab oo shidaal ah, ayadoo afarta markab ee Kaviz, Charminar, Horizon 1 iyo Riesco lagu bartilmaameedsaday Gacanka Cumaan, halka markabka shanaad ee Derya lagu weeraray meel u dhow Jasiiradda Kharg, oo ah goob muhiim u ah dhoofinta saliidda Iiraan.
CENTCOM ayaa sheegtay in shaqaalaha maraakiibta loo sheegay inay ka degaan ka hor inta aan la weerarin, waxaana maraakiibta laga dhigay kuwo aan shaqayn karin.
Mareykanku wuxuu ku dooday in maraakiibtan ay qeyb ka ahaayeen shabakad qarsoon oo Iiraan u adeegsato dhoofinta saliidda iyo soo saarista dhaqaale lagu maalgeliyo IRGC iyo kooxaha ay taageerto gobolka.
Washington ayaa sidoo kale sheegtay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee ay maraakiib shidaal oo Iiraan ah bartilmaameedsato, iyadoo saddex markab oo kale la weeraray 5-tii Sebtembar kadib isku dayo ay IRGC ku bartilmaameedsatay maraakiib dagaal oo Mareykan ah.
Dhanka kale, Iiraan ayaa sheegtay inay jawaab ka bixinayso weerarrada Mareykanka, ayadoo Warbaahinta dowladda Iiraan ay sheegtay in gantaallo lagu bartilmaameedsaday saldhig Mareykan oo ku yaalla dalka Urdun, halka Ciidamada Urdun ay sheegeen inay qabteen 18 gantaal oo ballistic ah, iyadoo laba kale ay ku dhaceen goobo aan dadku deggenayn.
Xiisadda ayaa sidoo kale saameyn ku yeelanaysa amniga maraakiibta iyo ganacsiga shidaalka ee gobolka, gaar ahaan agagaarka Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah isu-socodka tamarta adduunka.