Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyey liiska musharraxiinta ururrada siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashada ku-celiska ah ee isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Guddiga ayaa sheegay in 12 urur siyaasadeed ay waqtigii loo qabtay ku soo gudbiyeen liisaska musharraxiintooda iyo dukumentiyadii looga baahnaa. Muddada soo gudbinta liisaska musharraxiinta waxay ku ekayd 12-kii Sebteembar 2026.
Guddigu wuxuu sidoo kale caddeeyey in ururradii aan waqtigii loogu talagalay aan soo gudbin liisaska musharraxiintooda loo aqoonsaday kuwo aan diyaar u ahayn ka qaybgalka doorashada ku-celiska ah.
Guddigu wuxuu sheegay in go’aankaasi uu ku salaysan yahay u hoggaansanaanta habraaca iyo jadwalka doorashada, uuna macnaheedu ahayn in la baabi’iyey jiritaanka sharci ee ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan.
Doorashada ku-celiska ah ayaa loo qorsheeyey inay dhacdo 30-ka Sebteembar 2026, halka ololaha doorashada uu xirmayo 28-ka Sebteembar.
Sidoo kale, ururrada siyaasadda waxaa loo asteeyey inay 22-ka Sebteembar soo gudbiyaan wakiilladooda goobaha codbixinta, halka aqoonsiga wakiillada iyo kormeerayaasha la qorsheeyey 26-ka Sebteembar.
Doorashadan ayaa ku timid kadib markii Maxkamadda Sare ay 24-kii Agoosto 2026 laashay natiijadii doorashadii isku-sidnayd ee Galmudug ee dhacday 30-kii Luulyo, iyadoo guddigu markii dambe aqbalay go’aanka maxkamadda isla markaana diyaariyey jadwalka doorashada ku-celiska ah.
Doorashadii 30-kii Luulyo, doorashada Golaha Wakiillada waxaa u tartamay musharraxiin ka kala socday ururro siyaasadeed, halka Golaha Deegaanka ay sidoo kale ka qaybgaleen ururro badan. Doorashada cusub ayaa sidaas darteed noqonaysa marxalad kale oo lagu soo celinayo hannaanka doorashada Galmudug.
Si kastaba ha ahaatee doorashada ku-celiska ah waxaa la qorsheeyey 30-ka Sebteembar, waxaana hadda socda diyaar-garowga iyo fulinta tallaabooyinka ku xusan jadwalka guddiga.