U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray New York

Sebteembar 22, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo ah xarunta guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada New York uga qaybgalaya Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ay isugu yimaadeen madaxda iyo wufuudda dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay diiradda saarto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, horumarka dowlad-dhiska, amniga dalka iyo dadaallada dowladda ee la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu inta uu ku sugan yahay New York uu yeesho kulamo gaar-gaar ah oo uu la qaato madax iyo mas’uuliyiin ka kala socda dalal iyo hay’ado caalami ah, iyadoo kulamadaasi looga hadli doono xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo beesha caalamka iyo arrimaha muhiimka u ah dalka.